Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22950

Taariikhdii Marxuum Maxamed Saleebaan Tubeec Dhagayso

$
0
0

Allaha u naxariistee waxaa saakadii hore magalo ka tirsan Dalka Jarmarka ku geeriyooday Maxamed Saleebaan Tubeec oo ay dadka Soomaaliyeed u yaqaanaan Boqorka codka fanaaniinta raga ah ee Soomaaliyeed.

Maxamed_Saleebaan_Tubeec_Xanuunsan_1-1Tubeec ayaa ku dhashay sanadku marku ahaa 1941 Tuulada Laalays oo ka tirsan Gobalka Saaxil wuxuna fanka Somalida kusoo biiray 1959-waa hal sano ka hor markii dalku uu xornimadda ka qaatay gamuystihii.

Marxuumka waxa uu qaaday heeso aad u faro badan oo wadani iyo jacayl iskugu jira sidoo kale riwaayado ayuu wax ka dhigay.

Geeridiisa waxaa ka hadlay Abwaano,Fanaaniin iyo madaxda dalka oo sheegay inay tacsi u dirayaan ehelkii iyo asxaabtii uu ka geeriyooday.

Qoraal kasoo baxay xafiiska RW Somalia ayaa lagu sheegay dowladdu inay tacsi ka dirayso geerida Tubeec.

“Qof kasta waa uu dhimanayaa, geeriduna waa xaq. Allaha u naxariisto Marxuum Maxamed Saleebaan Tubeec oo kamid ahaa fanaaniinta ay aadka u jecelyihiin dadka Soomaaliyeed isla markaana aan ku xasuusan karno wadaniyada iyo dal jacaylka.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed.
Tubeec ayaa ku geeriyooday da’da 69-jir wuxuna ifka uga tagay 7-caruur ah oo ragg iyo dumar iskugu jira.

Allaha u naxariisto Tubeec.

Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22950

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>