Kooxda wariyaasha caalamiga ah (IFJ) ayaa war bixin ay soo saareen ku sheegay inay muhiim tahay siidaynta wariye u xiran dowladda Itoobiya oo lagu xukumay 27-sano oo xarig ah.
Itoobiya ayaa ku eedaysay Maxamed Aweys Muudeey (Boqorka Bartamaha) inuu wax ka ogaa howlgalo kooxda Alshabab ay ka fulin rabeen dalka Itoobiya taasoo markii danbe keentay inay u tiigsadaan sharciga argagaxisada ee wadankaasi,waxase war bixinta IFJ sheegtay Boqorka martamaha inuusan wax danbi ah galin sidaasi darteedna loo baahan yahay in xoriyadiisa si deg deg ah loo siiyo.
Waxayna dowladda Itoobiya ka codasatay inay ka laabato go’aanka xabsiga intaasi leeg loogu xukumay wariyaha Soomaaliyeed oo xitaa loo diiday inuu qareen qabsado iyo inay qoyskiisa dad ka mid ah goob joog ka ahaadaan maxkamadayntiisa.
War bixinta ayaa lagu sheegay wariyaha iyo ragg kale oo la xiray in dhibaato iyo jirdil kala kulmeen xabsiga kaasoo saamayn ku yeelan kara mustaqbalkiisa caafimaad ee danbe.
Dowladda Itoobiya ayaa ka mid ah dowladdaha lagu eedeeyo inay warbaahinta cabiriyaan taasoo keentay in suxufiyiinta ay cabsi ka muujiyeen wadankaasi.mana muuqata ilaa iyo hadda ifi-faalo muujinaysa aqbaalada codsiga ururkaan ka yimi.
Puntlandpost.com