Garowe(pp) Wasaradda qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah ee dowladda Puntland ayaa maanta tababar magalada Garowe uga furtay dad loogu talo galay inay soo tira koobaan dadka reer guuraaga ah ee ku nool deegaanada Puntland.
Marar hore ayay wasaradda qorshaynta kooxo dhalinyaro ah waxay u dirtay magaalooyinka iyo tuulooyinka Puntland si ay usoo tira-koobaan dadka ku nool,inkastoo masuuliyiinta wasaradda qorshanta ay sheegeen wareegyadii hore inay dhaceen qaladaad u baahan in kan aan lagu arag.
Masuuliyiintii tababarkaasi ka hadlay waxaa ka mid ahaa wasiir ku xigeenka wasaradda qorshaynta Siciid Faarax Maxamuud wuxuna sheegay in loo baahan yahay cadaalad in lagu saleeyo qaabka xogta dadka ku nool Puntland loosoo ogaanayo.
Wuxuna sheegay meelaha loo baxayo inay yihiin dhul baadiye ah sidaasi darteedna loo baahan yahay in dadka xogta laga raadinayo loola dhaqmo si wanaagsan oo ay bini aadannimo ku jirto.
Tirakoobkan laga soo fulin doono baadiyaha ayaa lagu wadaa inuu socda mudo 8-bari ah waana kii ugu danbeeyay oo lagu soo ogaanaya dadka reer miyiga ah inta ay leeg yihiin qolyaha baxayana ayaa lagu sheegay inay ka badan yihiin boqol qof waana lix team.
Tirakoobka Dalka ayaa lagu saleeyay saddex qaybood oo ka kala socda Koonfurta Somalia ,Somaliland iyo Puntland waxana la sheegay kan Puntland ka socda inuu yahay mid aad u wanaagsan.
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe