Gaalkacyo: (pp)- Magaalada Gaalkacyo ee Xarrunta gobolka Mudug ayaa aad looga taageeray dhismaha maamulka Jubbaland State oo dastuurkeeda la ansaxiyey maalin kahor.
Xafladaas ayaa waxaa kasoo qayb galay dadkii ka soo jeeday deegaanka Jubbooyinka , kuwaas oo qaxooti ahaan ugu nool magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo maamulka Puntland ka codsaday inay ku taageeraan sidii ay deegaanadoodii ugu noqon lahaayeen.
Daawo Taageerada Maamulka Jubbooyinka
Waxaa kaloo xafladaas ka hadlay Maamulka magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo sheegay in Jubbaland ay tahay mataantii Puntland ayna waajib tahay in shacabka Walaalahood ah ee samaysanaya maamulka iyo kala danbaynta in lagu taageero dhismaha maamulka Jubbland.
Waxaa kaloo magaalooyinka Puntland oo ay ka mid yihiin Garoowe, Boosaaso, Sanaag, ka socda Xaflado iyo taageero loo muujinayo Dhismaha curashada deegaanka Jubbooyinka ee ka hana-qaaday deegaanka Jubbaland.
Puntlandpost, Gaalkacyo, Puntland