Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

GAROOWE: Wasaarada Warfaafinta Puntland oo Shaqadoodii u fasaxdey Saddexdii Idaacadood ee shalay la xirey.

$
0
0

Garoowe: (pp)-  Saddexda Idaacadood ee kala ah  Daljir,Codka Nabadda iyo One-Nation ayaa maanta hawada dib ugu soo noqdey ka dib markii lagu fasaxay amar maanta kasoo baxay wasaaarada Warfaafinta Puntland oo wada hadalo ay dhex mareen masuuliyiinta idaacadahaas iyo Wasaarada.

Wasiirka Warfaafinta Puntland

Wasiirka Warfaafinta Puntland

Shalay ayay ahayd markii amar kasoo baxay wasaarada iyo talista Booliska lagu joojiyey shaqadooda, waxaana fasaxidooda lagu sababeeyey maanta in idaacaduhu u hogaansameen amarkii lagu joojinayey idaacadaha kale ee ay baahin jirreen kuwaas oo kala ahaa Bar-kulan, Ergo iyo Hirad kuwaas oo FM ahaan usoo gudbin jireen barnaamijyadooda.

Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo galabta wariyeyaasha kula hadlay Garoowe ayaa xaqiijiyey dib u fasaxida Idaacadahan,wuxuuna sheegay in maamulayaasha Idaacadahani ay ogoladeen inay u hogaansamaan amarkii ay hore u soo saareen.

Wasaaradda amniga iyo Taliska Booliiska ayuu sheegay inay la socodsiiyeen in Idaacadahani ay shaqadooda qabsan karaan ayna fuliyeen amarkii sababay in lagu xiro-

Puntlandpost, Xafiiska Magaalada Garoowe, Puntland


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>