Garoowe: (pp)- Magaalada Garowe ee Caasimada dawlada Puntland ayaa laga xusay Maalinta Miinada Aduunka oo ku beegneyd 4 bisha March ee Sanad walba, iyadoona loo sameeyey munaasabad ka koobneyd labo qeybood oo ay kasoo qeyb galeen Masuuliyiin ka tirsan Dowlada Puntland , Hay,addaha Caalamiga , Dhalinyaro Sportiga kuwa ciyaaro ah iyo Marti sharaf kale.
Subaxnimadii horre ee shalay munaasabad lagu qabtey xarunta wasaarada Amniga iyo DDR-ta ee magaalada Garowe ayaa waxaa lagu xusey qeybteedii kowaad ee maalintan, halka qeybtii danbe ee munaasabad ay ka dhacdey Studio mirre Awaare oo labo naadi oo ah kuwa sportiga koob loogu qabtey , ayna ka qeyb galeen saraakiisha hogaamisa Hay,adda PMAC .
Xuskan oo ay PMAC sanad walba bishan oo kale soo agaasinto ayaa ahaa mid si heer sarre la isugu soo dubo ridey,iyadoona shaqaalaha ka shaqeeya hayadaha Miinada ay munaasabada ku soo bandhigeen qaybo ka mid ah waxqabadyada iyo wacyi galino ay ka qabteen deegaanada Puntland.
Cabdirisaaq Xareed wasiir ku xigeenka Amniga Puntland oo furay shirka ayaa sheegay in PMAC iyo hayadaha la shaqeeya ay dalka ka hayaan shaqo wanaagsan una baahan in la sii dardargeliyo ka sifeynta iyo wacyigelinta walxaha qarxa.
Hay,ada Puntland u qaabilsan Miinada ee PMAC ayaa waxaa la asaasay sanadkii 2003 ,waxaana sanadkii ugu danbeeyay deegaanada Puntland laga qabtay burburinta 1729 xabo oo walxaha qarxa ah, 155 xabo oo ah miinada lidka dadka , waxaana la baaray dhul dhan 12.200 Mitir oo wareeg ah sida uu sheegay agaasimaha Hayadan Cabdirisaq Ciise Xuseen (Khaatumo).
Puntlandpost, Garowe, Puntland