Muqdisho: (pp)- Warar xaqiiqo ah oo Puntlandpost ay heshay ayaa sheegaya (Ex Timajare), Xasan Xaad oo sheegta inuu ka mid yahay Oday dhaqameedka Beelaha Hawiye inuu ka mid yahay shaqsiyaadkii la wareegay Guryo uu leeyahay Halyey Muuse Boqor oo ka mid ahaa madaxdii dalka Soo maray , isla markaana ka mid ahaan jiray halgamayaashii SYL , ahaana shaqsiyaadkii Soomaaliyeed oo aad looga ciseyn jiray Dalka Soomaaliya Waqtiyadii dalka ay ka jirtay nolosha Wanaagsan iyo kala danbaynta.
Wararka ayaa sheegaya in Xasan Xaad bilo sii horaysay laga fur furi waayey qaar ka mid ah Guryihii Xaaji Muuse Boqor, isagoo markii lagala hadlay guryaha Xaaji Muuse Boqor ka meer meeray inuu isaga baxo , inkasta oo xogta nasoo gaaraysa ay sheegayso in markii ugu danbeysay uu sheegay inuu wareejinayo.
Xogta ay heshay Puntlandpost, ayaa sheegaysa in Guryaha qaarkood uu kiro uu ka qaadan jiray , waxaana arrinkan ay cadaynaysaa in ninka sheegta Inuu Oday Beel yahay kuwa arxan laaweyaasha ah oo xalaalaystay dad Soomaaliyeed guryahooda , weliba nin Soomaaliya aad looga yaqaanay guryihiisa, oo Saldanad aad u facweyn ka soo jeeday.
Waxaa kaloo xusid mudan in Axmed Diiriye oo sheegta Magaca Oyaasha Beesha Hawiye, isagana Guri uu Sanado badan uu deganaan jiray inuu ku dilay ninkii lahaa , kaddib markii uu kusoo weeraray isaga iyo maleeshiyo uu wato.
Dad badan oo Soomaaliyeed ee yaqaan ragan ku qaraabta inay Odayaal beel yihiin ayaa aad ulla yaaban waxa ay ku mutaysteen inay Beelo ay u yihiin Odayaashood , iyagoo leh hab dhaqankii ay ku si foobeen oo ah middi inuu Gurigiisii ku dilay ninkii lahaa waa Axmed Diiriye’e , halka kan kale uu haysto Guryo ka mid ah guryihii Halyey allaha u naxariistee Muuse Boqor.
Shaqsiyada labadan nin , ayaa lagu cadeeyey inay labadan nin ay yihiin Dhagar qabeyaal ka mid ahaa kuwii bililiqaystay guryihii iyo hantidii Soomaaliyeed, kuwaas oo illaa hadda doonaya inay Soomaaliya aysan ka dhalan dowlad , si aan loogala xisaabtamin hantida iyo danbiyadii ay ka galeen dadka Soomaaliyeed.
Labadaan nin oo dhibaatada intaas le’g qaba ayaa had iyo jeer sheegta kuna soo celceliya inay yihiin Oday dhaqameed , isla markaan adeegsada magaca umada Soomaaliyeed, waxaa kaloo iswiidayn leh niman iyagiiba bilililiqaystay dad Soomaaliyeed hantidoodii iyo guryahoodii iyo maalkoodii ma sheegan karaan magaca Soomaali?.
Sikastaba, Magaalada Muqdisho oo beri samaadkii ahaan jirtay magaalada dalalka Afrika ugu horrumarsan ayaa ragga noocaan kale ah ay hada sheegtaan in ay iyagu u yihiin Oday dhaqameed , magaaladaas ayaa maanta laga sugayaa in Soomaaliya ay u noqoto Caasimaad Soomaaliyeed oo wax laga weydiiyo ragan oo iyagu ku takri-falay isla markaasna haysta guro iyo hanti ay dad badan oo Soomaaliyeed leeyihiin.. Muqdishoy Xaal qaado.
Warbixino kale oo arrimahan ku saabsan iyo baaritaano la xiriira rag badan oo gacanta ku haya Hanti ay dad badan oo Soomaaliyeed leeyihiin ama ku dileen kala soco Warbaahiyaha Puntlandpost.com.