Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxwaynaha Puntland iyo wafdigiisii oo dib ugu laabtay Qardho

$
0
0

Qardho(pp) Madaxwaynaha dowladda Puntland Prof.Cabdiwali Maxamed Cali oo saakadii hore socdaal ku gaaray degmada Rako-raaxo oo Gobalka Karkaar ka tirsan ayaa dib caawa uga soo laabtay isagoona kusoo noqday magalada Qardho.

IMG_0752Gaas inta uu joogay Rako waxa uu booqday meelo kala duwan oo degmada ku yaala wuxuna balan qaaday inuu mushaharkiisa ka dhisayo xafiis uu mamulku ku shaqeeyo.

Madaxwaynaha ayaa waxaa la sheegay inuu ku wajahan yahay deegaano kale oo ka tirsan gobaladda Bari iyo Sanaag iyadoona socdaalkan uu calaamad u yahay sidii dadka loogu sheegi lahaa in dowladdu ay ka go’an tahay sidii wax looga qaban lahaa baahiyaha ka jira dhulalka laamiga ka fog oo aysan wax adeegyo ah gaarin sanooyinkii lasoo dhaafay.

Caawa wafdiga Gaas waxay ku hoyanayaan malada Qardho waxayna hiirta hore ee subaxdii u anbo bixi doonaan malada Bosaso iyagoona sii mari doono degmooyin kale oo laamiga ku yaala sida Waaciye iyo Carmo.

Waa socdaalkii ugu horeeyay tan iyo markii Gaas la dooray uu sameeyay iyadoona loogu guur galayo xaalada dhabta ah ee ay dadku ku nool yihiin.

Goor dhow naga fisha sawiradda booqashadii Rako ee maanta.

Puntlandpost.com

Xafiiska Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>