Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Oday dhaqameed caan ah oo lagu dilay magalada Kismaayo

$
0
0

Kismaayo(pp) Wararka naga soo gaaraya magalada Kismaayo xarunta Mamulka KMG ah ee Jubba ayaa sheegay koox shufto ah inay galabta bartamaha xaafalada Calanley ay ku dileen Oday dhaqameed caan ka ahaa magalada Kismaayo.

Ugaas-Hafow-250x300Odayga la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Ugaas Maxamed Xuseen Hafoow wuxuna Ugaas u ahaa sida la sheegay Beesha Cawrmale waxayna wararku sheegayaan kooxda dishay inay goobta ka baxsadeen.

Ciidanka ammaanka magalada Kismaayo ayaa durbadiiba goobta gaaray waxana la sheegayaa dilka Ugaaska inay dad u qabteen.

Allaha u naxariistee Ugaas Maxamed Xuseen ayaa ka mid ahaa dadkii wax kasoo dhisay mamulka Axmed Madoobe waxana si wayn looga yaqaanay guud ahaan Gobalka Jubadda hoose.

Lama yaqaan ilaa iyo hadda sababta Ugaaskaasi loo toogtay.

Puntlandpost.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>