Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Maxay ka wada hadleen madaxwaynaha PL iyo shacabka Gobalka Bari (Sawirro)

$
0
0

24,03,2014, Isniin :- Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas ayaa aqalka madaxtooyda Bosaso ku qaabilay qaybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan magaalada Bosaso ee xarunta Gobolka Bar, kuwaasi oo isugu jiray odayaal dhaqameed,aqoon yahan,dhalin yaro iyo haween.

Dadkii kulanka ka qayb galay ayaa siyaabo kala duwan u tilmaamay xaaladda gobolka iyo baahiyha taagan ee u baahan in waxqabad loo midaysan yahay laga sameeyo, iyagoo si adag Dowladda uga codsaday inay ka dhabayso isbedelkii ay ballan qaaday.

Madaxweynaha ayaa bulshadii uu la kulmay kala hadlay inay dadaal dheeraad ah ku bixiyaan sidii nabad galyada loo adkayn lahaa, wuxuu kaloo ku adkeeyey inay Dowladda taageeraan si horu mar loo gaaro.

Wuxuu kaloo u tilmaamay in ay cashuurta bixiyaan si loogu tallaabsado is bedelkii uu ballan qaaday waqtigii uu musharaxa ahaa, isagoo sheegay in is bedelkaasi uu ku imaan karo is kaashi iyo wada jir dhamaystiran.

Kulankaan ka sib waxaa madaxweynuhu uu kormeer shaqo ku tagay Dekedda Magaalada Bosaso,xafiisyada wasaaradaha dekedaha, maaliyadda iyo kalluumaysiga, wuxuu sidoo kale tagay Airport-ka magaalada bosaso, wuxuuna dhamaantood ka dhagaystay warbixino ku saabsan qaabka ay u shaqeeyaan iyo waxqabadka ay sameeyaan.

IMG_1915 IMG_1923 IMG_1928 IMG_1938 IMG_1942 IMG_1974 IMG_1981 IMG_2019 IMG_2053 IMG_2191 IMG_2295 IMG_2306 IMG_2338 IMG_2369 IMG_2382 IMG_2386 IMG_2390 IMG_2403 IMG_2434 IMG_2442 IMG_2461 IMG_2491 IMG_2510 IMG_2546 IMG_2548 IMG_2552 IMG_2563 IMG_2569 IMG_2571


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>