Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxwaynaha Pl oo soo dhiirigaliyay ciidanka ku sugan jiida hore ee Galgala (Sawirro& muuqaal)

$
0
0

Bosaaso(pp) Madaxwaynaha dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo ay weheliyaan Taliyaha guud ee ciidanka Puntland,wasiirka Amniga iyo masuuliyiin kale ayaa maanta socdaal gaaban ku tagay goobaha ay ciidanka difaaca Puntland kaga sugan yihiin Galgala.

Dr.Gaas ayaa ciidanka Puntland ee halkaasi ku sugan ku dhiirigaliyay inay halgalkoona halkaa kasii wadaa oo ay xasuusnaadaan inay xili kasta u dagaalamayaan jiritaanka dalkooda iyo dadkooda.

War bixin faah faahsan ayuu madaxwaynaha ka dhagaystay taliyaha cusub ee ciidanka Galgala loo magacaabay,wuxuan sheegay masuulkaasi ciidankan inay tababaro wanaagsan qabaan oo ay ku fulan yihiin cid kasta oo duulaan kusoo qaada,

Dagaal yahano alshabab ka tirsan ayaa sanooyinkii lasoo dhaafay ku dhuumaalaysanayay qaar ka mid ah buuraha Galgala,balse ciidanka ayaa inta badan soo afjaray kooxdaasi oo lagu jabiyay koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Socdaalka madaxwaynaha ee Galgala ayaa noqotay midkii ugu horeeyay uu masuul sare ku tago halkaasi,wuxuna sidoo kale soo maray Carmo iyo deegaanka Ceeldaahir Oo Katirsan gobalka waxaan deegaanadaasi si iskumid ah ugu soo dhaweeyay shacabka ku dhaqan

Halka Hoose Ka Dawo Khudbadii uu Jeediyay Madaxwayanah Puntland Ciidanka Iyo  sida loogu soo dhaweeyay carmo

 

 

 

IMG_2842 IMG_2837 IMG_2835 IMG_2833 IMG_2829 IMG_2825 IMG_2824 IMG_2821 IMG_2816 IMG_2813 IMG_2807 IMG_2806 IMG_2805 IMG_2800 IMG_2794 IMG_2790

Puntlandpost.com
Xafiiska Boosaso


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>