Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Gaas oo si diirran loogu soo dhaweeyay degmada Carmo ee Gobalka Bari (Sawirro)

$
0
0

Carmo(pp) Madaxwaynaha dowladda Puntland iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta tagay Deegaanka Ceeldaahir iyo waliba degmada Carmo.

Waxa uu meelaha u tagay Dr.Gaas kala kulmays oo dhawayn diirran isagoona shacabka degmada Carmo goob fagaare ah kala hadlay una jeediyay mahad celin iyo boggaadin.

Madaxwaynaha ayaa sheegay inuu u guurgalayo xaalada shacabka Puntland ay ku sugan yihiin iyo sidii loo ogaan lahaa baahiyaha ay qabaan oo u baahan in wax laga qabto.

Wasiiro,saraakiil mamulka Gobalka Bari iyo kan Carmo ayaa socdaalka madaxwyanaha ku weheliyay wuxuna ugu danbayntii dib ugu laabtay magalada Bosaso oo uu maalmahan ku sugnaa.

Macnaha socdaalkan ayaa ah sidii loo ogaan lahaa xaalada shacabka iyo daruufaha ay ku jiraan.

45 44 42 48 41 47 40 39 46 38 45 37 42 36 35 38 33 31 32

Puntlandpost.com
Xafiiska Bosaso


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles