Bosaso(pp) Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) oo maanta socdaal gaaban ku tagay dhulka ay ciidanka difaaca Puntland kaga sugan yihiin Galgala ayaa wacad ku maray kooxda Alshabab inay u baaba’ayso dilkii ay dhowaan duleedka Bosaso ugu gaysteen taliyihii ciidanka Galgala Col.Jaamac Afgaduud.
“Waxana ballan qaadayna in Al-shabaab badan ay u dhiman doona dilkii ay u gaysteen Jaamac Afguduud , Axmed Godane iyo Yaasiin Kilwe iyo kuwo la mid ah oo AL-shabaab ka tirsan ayaa u dhiman doona dilkii ay korneel jaamac u gaysteen, waxaana ognahay in Al-shabaab ay kusoo duuleen dadka iyo dalka laakiin waa iska dhicinaynaa Insha Allaahu ” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli.
Waxa uu tacsi u diray ehelada, qaraabada iyo asxaabta uu ka geeriyooday Alle ha u raxmadee Marxuun Korneel Jaamac Afguduud, oo ahaa taliyahii ciidanka daraawiishta ee aagga Gal-Gala.
Kooxda Alshabab ayaa todobaadkii hore duleedka magalada Bosaso ku dishay allaha u naxariistee Col.Jaamac Afgaduud oo xiligaasi kasoo baxay magalada Bosaso kuna sii jeeday goobaha ay ciidanka Galgala kaga sugan yihiin.
Waa markii ugu horaysay uu madaxwaynaha Puntland arrinta Col.Jaamac Afgaduud ka hadlo.
Puntlandpost.com
Xafiiska Bosaso