Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Wasiirka Deegaanka Puntland oo Nairobi kula kulmay madaxda FOA iyo UNDP

$
0
0

Nairobi(pp) Wasiirka wasaaradda deegaanka Duurjoogta iyo Dalxiiska Puntland Mr. Guuleed Saalax Barre oo socdaal ku tagay magaladda Nairobi maalintii Sabtida taariikhduna ay ku beegnayd 22.March ayaa maalinkii shalay la kulmay qaar ka mid ah madaxda Hay’adda FOA iyo UNDP oo mashaariic deegaan ka wada dhulka Puntland.

Guuled1Wasiir Guuleed oo waraysi gaar ah siiyay Puntlandpost ayaa tilmaamay dhamaan madaxdii uu Nayroobi kula shiray inuu kala hadlay arrimo khuseeya deegaanka iyo sidii wax looga qaban lahaa xaalufka baahsan ee dhulka lagu hayo oo qaar ka mid ah dhirta laga sameeyo dhuxusha.

Waxa uu masuuliyiinta uu la shiray Mudane Guuleed hordhigay qorshe howleedka sanadkan ee wasaradda Deegaanka iyo sidii wax looga qaban lahaa ,waxana wax ka waydiiyay sida ay u arkeen wuxuna ku jawaabay.

” UNDP waxay ballan qaaday inay mashaariic waawayn oo qorshe sanadeedka ku jira ay maalgalin ku samaynayso sida biyaxireeno laga samaynayo 2 goobood oo Puntland ka mid”wasiirka oo sii hadlaya ayaa sheegay hay’addaha caalamiga ah ee jooga Nayroobi inuu ku caasumay shirwayne qaran oo diirradda lagu saarayo arrimaha deegaanka oo dhici doono bisha afaraad kala barkeeda.

GuuleedSidoo kale wasiirku wuxuu ka qaybgalay shirwayn oo hay’ada FAO qaybteeda ururisa xogaha dhulka iyo biyaha ay kusoo bandhigaysay waxqabadkeeda kuna qorsheenaysay qorshe sanadeedkeeda cusub.

Wasiirku wuxuu ka codsaday FAO/SWALIM inay qayb ka qaadato sidii cilmi baaris loogu samayn lahaa meelaha ku haboon in biyo xireeno laga dhigo iyo in laga caawiyo wasaaradda inay samayso hab lagu dabo galayo xaalufka dhulka ku socda si ka hortag iyo qorshe loogu samayn lahaa.

Guuleed Barre ayaa noo xaqiijiyay maalmo kale inuu sii joogi doono wadanka Kenya isla markasna uu la kulmo doono masuuliyiin ka socda Midowga Yurub, hay’ada Qaramada Minoobay u qaabilsan deegaanka (UNEP) iyo saafaradda Japan.

Wasaradda deegaanka Puntland ayaa dadaal xoogan ugu jirta sidii wax badan looga qaban lahaa deegaanka oo qaar ka mid ah sii dabar go’aya maadama inta badan laga shido dhuxul.

Midowga Yurub ayaa dhaqaale faro badan ku baxshay sidii deegaanka Puntland wax looga qaban lahaa wuxuna barnaamij arrintaasi ku saabsan uu Puntland ka soconayaa mudo saddex sano ah.

Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>