Jaaliyada reer Puntland ee dalka Kenya ayaa dawlada dhexe ka codsatay inay wakiil Rasia ah oo ka shaqeeyaa islamarkaasna abaabula danaha iyo rabitaanka dawlada Puntland ee dalka Kenya ay halkaas usoo magacaabato kadib markii mudooyinkii ugu danbaysay halkaas aysan dawlada Puntland wax wakiil ah oo rasmi ah uusan u joogin, Wakiilka dawlada Puntland ee Kenya ayaa horaantii sanadkaan ku biiray golaha baarlamaanka ee Puntland.
Gudoomiyaha dhalinyarada reer Puntland ee dalka Kenya Mr. Saalax Sheekh Cabdullaahi Cabdiraxmaan oo ku hadlay afka Jaaliyada ayaa codsi rasmi ah u diray madaxweynaha dawlada Puntland ee Soomaaliya Prof.Cabdiweli Maxamed Cali, Waxaana uu sheegey in ay jirto Marnaansho xaga shaqada ah Iyo tabitaan ay tabiyaan cid wada Maamushana shaqada dawlada Puntland ee dalka Kenya, Waxaana uu Gudoomiyuhu sheegey in aysan marna ka maarmin cid wakiil u noqata.
Gudoomiyuhu wuxuu sheegey inay jiraan is qabqabsi dhinaca maamulka ah oo ka dhex jira jaaliyada Puntland, waxaana uu sheegey inay taasi abuuri karto is dhex yaac iyo kala qaybsanaan bulshada dhexdeeda imaan karta, hadii buu yiri aanan wakiil dawladeed oo rasmi ah lasoo magacaabin, Saalax Dhanka kale waxaa uu sheegey in dhalinyarada reer Puntland ee dalka Kenya ay isku xiranyihiin wallow buu yiri ay jiraan dad marwalba jecel inay bulshada kala qaybiyaan.
Codsiga rasmiga ah ee kayimid Jaaliyada Puntland ee dalka Kenya ayaa imaanaysa iyadoo mudooyinkii danbe aysan jaaliyadu lahayn hogaan rasmi ah oo u dhexeeya iyaga iyo dawlada Puntland ama iyaga iyo bulshada ay martida u yihiin, Kenya waa meesha ugu badan ee Bulshada reer Puntland ay daganyihiin marka laga reebo Dhulka Puntland waxaana ay taasi dawladihii hore ee Puntland kajiray ku kaliftay inay si toos ah ugu soo magacaabato Wakiil hoosaad danaha bulshada iyo dawlada Puntland ku matala dalka Kenya, Codsigana wuxuu imaanayaa iyadoo la filayo in bartamaha sanadkaan ay dawlada Kenya ay qunsul iyo qunsuliyad gayso caasimada Puntland ee Garoowe si lamid ah sida dawlada Ethiopia ay halkaas ugu leedahay Qunsuliyada.
Puntlandpost.com