Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxwayne ku xigeenka Puntland oo saluug ka muujiyay shaqadda Hantidhowrka (Dhagayso)

$
0
0

Garowe(pp) Madaxwayne ku xigeenka dowladda Puntland Mudane Cabdixakiin Cabdilaahi Xaaji Camay oo maanta kormeeray qaar ka mid ah wasaraddaha dowladda ayaa dhaliil usoo jeediyay shaqadda ay hayaan dhonti dhowrka guud ee Puntland wuxuna sheegay inay muhiim tahay in la ilaaliyo hantida dowladda.

1Waxa uu sheegay inay wali maqan yihiin gawaari balse loo baahan yahay Hanti dhowrku inay wax ka qabtaan wuxuna sheegay inay si gaar ah hanti dhowrka far gaar ah ugu mudan tahay loona baahan yahay inay shaqo fir fircoon la yimaadaan.

Camey ayaa sheegay inay wax ka qaban doonaan baahiyaha ka jira xafiisyadda ay ku shaqeeyaan iyo ammaankooda ayna muhiim tahay in la wada dhowro hantida shacabka si wax looga qabto baahiyaha jira.

Madaxwayne ku xigeenka ayaa shaqalaha dowladda ugu baaqay inay shaqada labo laabaan si looga dhabeeyo hormarka,cadaalad iyo Sinaan.

Qaar ka mid ah wasaaradihii uu soo maray Eng.Camey ayuu ku tilmaamay inay si wanaagsan u shaqaynayeen sida wasaradda shaqada iyo shaqalaha oo uu sheegay inay mudan tahay in la gudoon siiyo bilad sharaf ku aadan dhanka shaqadda.

Wasaradaha kale qaarkood ayuu sheegay inay ka muuqato inaysan shaqada si hufan u gudan loona baahan yahay inay dardar galiyaan.

Madaxwaynaha ku xigeenka ayaa balan qaaday inay kormeerka noocaan oo kale ah joogtayn doonaan si looga war helo waxyaabaha ay dowladu qabanayso.

2 3 4 5 6 7 8 9

Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles