Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Hoggaaminta wanaagsan iyo ahmiyadda qoraalka oo Garowe looga hadlay (Sawirro)

$
0
0

Garowe(pp)Buugaagta waxa lagu soo bandhigay munaasabad lagu qabtay Xarunta shirarka jaamacada Bariga afrika Faraceeda Garowe,waxaana kasoo qeybgalay Qorayaasha Buugaagta,Wasiiru Dowlihii Hore ee Maamul wanaagsa Maxamad faarax Ciise Gaashaan qoraa sare Mudane CabdiRaxmaanAxmed Nuur Sulub,Maamulka,Macalimiinta iyo ardayda Jaamacada Bariga Africa.

Buugaagto waxay ka koobnaayeen 4nooc oo ka kala hadlaya Furaha Ganacsiga,Bangiyada islaamka, hogaamiye iyo Sakada.Sadax kamida Buugaagta waxa qoray Saciid Cali Shire oo Bare ka ah jaamacada Bariga afrika.

Kan afaraad oo ka hadlaya sakada waxa qoray qoraa Bashiir Cabdi Samad xareed,Ardayda jaamacada ayaa qorayaasha su’aalo ka weydiiyay macluumadka ay soo bandhigeen.

Gudoomiyaha Jaamacada Bariga afrika Faraca Garoowe Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf ayaa sheegay in bandhigyada noocani ay ardayda jaamacada ku dhiiri galinayaan iney mustaqbalka buugaag qoraan, wuxuuna sheekhu booriyey in la badiyo akhrinta iyo qoraalka oo dan badan ugu jirto Dhalinyarada soo koraysa si ay wax badan oo hada ka maqan fikir ahaan ay u helaan.

Dr C/Raxmaan Axmad Nuur Sulub oo ah aqoon yahan soomaaliyeed islamarkaana wax ka qoray Hogaaminta ayaa ardayda kula dardaarmay iney qeyb ka noqdaan furayaasha aduunka oo ay wax ka qoraan wax kasta oo ay u arkaan in dalka Soomaaliya uu xal ugu jiro, wuxuu sheegay in uu caawin doono cid kasta oo rabta Furaha Qoraalka Macalinna uu u noqon doono.

Qoraaga Buugaagta kala Furaha Ganacsiga,Bangiyada islaamka iyo Hogaamiye’ saciid cali shire ayaa sheegay in qoraalka buugaagtan uu ku dhashay markii uu arkay saameynta caalamka ay ku yeelan karto bulshada soo saarta Hogaamiye iyo Hal abuurayaal, hogaamiye wanaagsan oo lasoo saaarana wuxuu cadeeyey in Dalka ay dan wayn ugu jirto, baahida ugu badan ee dalka ka jirta ayuu sheegay in ay tahay dhanka hogaanka.

Ardayda iyo aqoonyahanada kale ee Kulanka ka qayb galay kaasi oo dhacay Xarunta Wayn ee Jaamacada Bariga afrika faraceeda Garoowe waxay Madasha ka kororsadeen tusaalooyin Muhiim ah waxayna is jecleesiiyeen in ay Noqdaan Qoraa si Bulshada baahidoda ay usoo bandhigaan.

Dadka soomaaliyeed ayaa ah kuwa lagu tiriyo dadka aan wax aqriska badneen laakiin dhageysiga xiiseeya,hasa yeeshee waxa fikirkaa daah saaray aqoonyahano Badan oo soomaaliyeed oo soo bandhigay hal abuuro tirabeel ah.

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15

Xafiiska Warbaahinta
Ee EAU Garoowe.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>