Muqdisho(pp) Ra’iisulwasaraha dowladda Somalia Cabdiwali Shiikh Axmed oo la kulmay wasiirka arrimaha dibada Kenya Aamino Cabdalle Maxamed ayaa sheegay inay ka xun yihiin amarka kasoo baxay dowladda Kenya ee tilmaamaya in Qaxootiga Soomaaliyeed ay dib ugu laabtaan xeryaha qaxootiga.
Amarkaas ayaa waxaa shaaciyay wasiirka arrimaha dibadda Kenya oo sheegay inay tilaabo adag ka qaadi doonaan cidii amarkaasi fulin diida.
Cabdiwali Shiikh Axmed ayaa sheegay amarkaasi inuu yahay mid walaac badan ku amuuray Soomaalida Kenya Qaxootiga ku ah ee Magaaalooyinka ku sugan wuxuna codsaday in la qafiifiyo.
“Waxaan ku rajo weynahay in Dawladda Kenya ay tixgelin doonto heshiiskii Qaxootiga ee saddex geesoodka ahaa ee Soomaaliya, Kenya iyo Q/midoobay, kaasoo dhigayay in Qaxootiga Soomaalida ay dalkooda dib ugu laabtaan si iskood ah oo aaney ku jirin qasab” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.
Somalia.Kenya iyo Hay’adda Qaxootiga ayaa horay u galay heshiis saddex geesood ah oo sheegaya qaxootiga oonaya inay dalkooa ku noqdaan in loo fududeeyo isla markasna kuwo kale ee aan doonayn aan lagu qasbi karin.
In ka badan shan boqol oo kun oo ruux ayaa dalka Kenya ku nool waxayna kasoo carareen dagaalada iyo dhibaatooyinka ka jira gudaha Soomaaliya kuwaaasoo door biday inay helaan nolal dhaanta tan Somalia.
Puntlandpost.com
Xafiiska Muqdisho