Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Ururka Suxufiyiinta Somalia oo cambaareeyay xariga Itoobiya u gaysatay Wariye Myudeey (Dhagayso)

$
0
0

Dowladda Ethiopia ayaa 27-sano oo xarig ah ku riday wariye Maxamed Aweys Muudeey oo ka cararay dagaalada iyo hagar daamada kooxda Alshabab ay ka wado Koonfurta Somaliya,hase yeeshee Ethiopia ayaa ku eedaysay inuu Alshabab xiriir la lee yahay uuna wax ka maleegay qarax lala damacsanaa Addis ababa.

cumar-faaruqUrurka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed (NUSOJ) ayaa arrintaasi cambaareeyay kuna tilmaamay inay tahay mid lagu damacsan yahay in lagu dhibaateeyo suxufiyiinta Soomaalida ah,NUSOJ ayaa sheegtay in loo baahan yahay in wariyaasi dib xoriyadiisii loo siiyo.

Xoghaya ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ Cumar Faaruuq Cusmaan ayaa sheegay inay ka xun yihiin xarigaasi Boqorka bartamaha loogu gaystay dalka Ethiopia wuxuna sheegay inay wadaan olale ballaran oo ku aadan siidaynta wariye Muudeey.

In ka badan 20-kun oo suxufiyiin kala duwan ah ayaa Ra’iisulwasaraha Ethiopia u diray codsi ah inuu sii daayo wariyaasi maadama uusan galin wax dambi ah ama uusan ku lug lahayn falalka kooxda Alshabab.

Cumar Faaruuq ayaa sidoo kale dowladda Somalia ugu baaqay inay ka qayb qaadato siidaynta wariye Muudeey oo xarig dheer Ethiopia ku riday.

Ururka Isu-tagga Caalamiga ah ee Weriyeyaasha (IFJ) ayaa ugu baaqay Ethiopia inay ka noqoto xukunka weriyaha lagu riday kaasoo ay ku tilmaamtay inuu yahay mid aan sharciga iyo xaquuqul aadanaha waafaqsanayn.

Faaruq ayaa ugu danbayntii rajo ka muujiyay in la aqbali doono codsiga suxufiyiinta caalamka ee ku aadan in lasii daayo Maxamed Aweys Muudeey.

Puntlandpost.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>