Madaxweynaha puntland dr Cabdi weli maxamed cali ”Gaas ”ayaa booqday magaalada xeebta ku tala ee bandersiyaada” qaw” oo dhacada duleedka degmada Boosaaso halkaas oo siweyn loogu soo dhaweeyay madaxweynaha iyo wefdigiisa la socday oo iskugu jiray golayaasha dowlada
madaxweynaha ayaa waxaa kaga hortagay Afaafka hore Ee laga soogalo magaalada shaca aad ufarabadan ku oo ka koobnaa qaybaha kala duwan ee shacabka degmada Bandersiyaada “qaw “oo ku taala Duleedka bosaaso kuwaas oo madaxweynaha iyo wefdigiisa u muujiyay dareen farxadeed iyo soo dhaweyn
Munaasabada Lagu qabtay xarunta dugsiga degmada Bandarsiyaa taasi oo ujeedkeedu Ahaa mid lagu soo dhawaynaayo maxadxaynah iyo wafdigiisa ayaa Waxaa ugu horeyna ka hadaly gudoomiyaha Degmada Bandarsiyaada Rashiid Xabiib Jaamac waxaana uu ku soo dhaweeyay madaxwaynaha iyo wafdigiis deegaanka bandarsiyaa ,gudoomiyah ayaa sidoo kale ug waramay madxwaynah xaalada noolalaleed dagmada bandar Siyaad
Qaar Kamid ah cuqaasha iyo Wax garadka deegaanka oo ay ka mid Ahaayeen caaqil Ciise maxamed ciise , Caaqil yaasiin muuse cabdile iyo Odayaal kale Ayaa dhankooda si iskumid Ah ugu soo dhaweeyay madxwaynaha iyo Wafdigiisa Dagmada Bandar Siyaad waxayna sidoo kale ka codsadeen dowlada inay ka qeybqaataan horumarinta degmada qaw ay u baahan tahay
Madxawaynah puntland Prof. Cabdi Wali Maxamed Cali “Gaas” Oo Gabagabadii Lahaday Shacbka Dagmada Bandar Siyaad Ayaa ugu horeen ugu Mahadceliyay Sida diiran ee ey ugu soo dhaweeyay isga iyo wafdigiisa dagmada bandarsiyaa ee Gobalka bari
madxwayanah puntland Ayaa docdakle ubalanqaaday Shacbka Magaalada Bandarsiyaad In xukuumada ey wax kala qabandoono baahiyaha kaladuwan ey tabayaan Shacabka magaalda Bandarsiyaa Ee Gobalka Bari
Hoos Ka daawo khudbadii Uu madaxwaynaha ujeediyay shacbka Bandarsiyaad
Madxwaynah Puntland Prof. Cabdi wli maxamed Cali “Gaas”Ayaa intii uukusugnaa magaalda Bandarsiyaa Wax uu socdaal ku maray qeybaha degmada sida daaro qadiimi ah oo ku yaala degmada ,marsadii hore iyo dhul tariikhi ah oo ay leedahay bandersiyaada ”Qaw”"