Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Xildhibaan Saciid Surcad oo la kulmay Jaaliyadda Puntland ee Vastras (Sawirro)

$
0
0

Vastras(pp) Xildhibaan Saciid Cabdi Samatar surcad oo beryahaan ka waday Yurub Safar uu ugu magac daray safarkii xiriirka iyo wacyi-gelinta ayaa Maalintii Sabtida ee taariikhdu ahayd 28/03/2014 wuxuu Magaalada Västrås kula Kulmay Jaaliyadda Puntland iyo tan Soomaaliyeed ee Magaaladaasi.

3Västrås waa Magaala aad u weyn waxayna xarun u tahay Gobolka Västermanland waana Magaalada lixaad dhinaca weynaanta Magaalooyinka Dalka Sweden,waxaana ku nool Soomaali gaaraysa 3000 oo qof.

Waxaa kale oo Xafladda kasoo qeyb galay Wafti Balaaran oo ka yimid Magaalada Esklestuna oo uu hogaaminaayey Dr Macalin Abdirizak Max’ed Xuseen,waxaana ka mid ahaa Abwaan Firdhiye.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale waxaa safarka ku weheliyey Wafti kasoo raacay Magaalada Stockholm oo qiyaas ahaan u jirta 140km, Waxaana ka mid ahaa Ugaas C/qani Geelle Max’ed oo isla markaana ah Wasiiru Dowlaha Duulista hawada iyo Garoomada ee Dowladda Puntland.

Xildhibaanka iyo Waftigiis ayaa Jaaliyadda ka dhageystay warbixino la xiriiraha Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobolka Västermanland iyo gaar ahaan Magaalada Västrås.

Waxaa kale oo halkaas lagu soo bandhigey Wacdi diini ah, Gabayo, Buraanbur,Talooyin farabadan oo ku wajahan Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale Khudbad dheer ka jeediyey Caaqil Abdirizak Shiikh Axmed oo ah Caaqilka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Magaalada Stockholm.

4 3 2 1

Puntlandpost.com
Sweden.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles