Ohio: (pp)- Waa markii Sadexaad oo shir noocaan oo kale ah ay Somalida kunool Gobolka Ohio ee waqooyiga Amerika si Baaxad-Muuqaal leh u taageeraan Maamul Gobolleedka Jubbaland, waxyar kadib markii dhidibadda loo aasay Maamulkan. Madaxdii shirkaan goob-jooga ka ahayd ayaa waxaa ka mid ahaa Embasadooradii ugu dambeeyay ee Dowladdii dhexe ku lahayd dowlada Sacuudiga iyo tan dalka Maraykanka, Embassador Adam Hersi Sandheere iyo Embassador Cabdikarim Cali cumar.
Embassador Cabdikarim Ali Omar ayaa soo dhaweeyey dhismaha maamulka Jubbooyinka, islamarkaana eed dusha kaga tuuray dowladda Federalka, kuna tilmaamay in ay waxqabadkii dowlad ahaan laga filayay ay aad uga gaabiyeen. Waxuu yiri Embassadorka, Dowladda waa inay Cadaaladda ka shaqeysaa, dadkan lasoo sheegayo ee guryaha laga heysto guryahoodii lala raadiyaa, hantida dowladda ee loo isticmaalo ganacsiga gaarka loo leeyahay waa in wax laga qabataa, dhalinyarada shaqooyin loo abuuraa, waxaa oo idil dowladda ayay utaalaa ayuu yiri Embassadorka.
Isla Goobta ayaa waxaa sidoo kale inoogu waramay, Madaxa hey’adda samafalka ee SADE International Mr. Xirsi Faarax sheegayna in dhismaha Jubbaland waqti dheer aad loo sugayay, hay’add ahaana ay dhaqaale ku taageeri doonaan maamulkan cusub, gaar ahaan ayuu yiri dhaqaale uruurin ku aadan Odayaal dhaqameedka iyo maamul hoosaadka G. Gobolka Gedo si ay uxoojiyaan mowqifkooda xaqa kusalaysan oo ah ka qeybgalka iyo dhisida Jubbaland.
Mr. Xirsi ayaa wax ka taataabtay sidii ay horaanta sanadkan ay hay’adda SADE International ay xiriir ula sameyeen urarada samafalka iyo kuwa dowliga ah ee maraykanka iyo dunidda kale si ayuu yiri loo caawimi lahaa Guud ahaan Somalia iyo shacabka dhamaan ku kunool sadexdaa Gobol isla markaana codsaday in la taageero Maamulka Jubbaland State.
Mr. Xirsi ayaa Sidoo kale, cambaareyn dusha ka saaray Odayaal dhaqameedkii Xamar ku shiray ayagoo ayuu yiri ay Qabiil ahaan G. Gedo kasoo jeedaan balse intooda badani ayan wax deganaasho shaqsiyeed ah ku laheyn Gobolkaa. Waxuu yiri “Maadaama la idin doortay si kastaba, talada haboon maanta idin hortaala waa in aad daacada ka talisaan, aad raadisaan qeybta dhaqaale ama siyaasad ee Goboladiinu ku leeyihiin dowladda Federalka. Waxaa kaloo muhiimad gaar ah leh in aad Nabadsugidda iyo Hay’addaha Nebadgelyada ee Xamar ku dhiiri-gelisaan sidii loo soo qaban lahaa Gacan kudhiigle-yaasha hadda xorta ah ee sida kibirka leh utoogtay Xildhibkii caanka ahaa ee reer Gedo AUN Xildhibaan Aadan Buule iyo waliba shaqsiyaad kale oo si foolxun ayagana loo dilay kadib markii ay damceen inay guryahoodii dib uhelaan ayagoo isku halaynaya dowlada meesha ka jirta” Ogaada ayuu yiri kuwaa ayaad mateshaan oo aad meesha ufadhidaan si aad ugu fududeysaan dib-uhelid hantidooda ama guud ahaan misirka Goboladiina”
Isla goobtaa sidoo kale, waxaan kula hadalnay Mr. liibaan Buule, oo kamid raggii Xildhibaan Marxuum Aadan Buule ifka kaga tagay, ahna madaxa Hay’adda GEDO DIASPORA, ayaa inoo sheegay in ay Hay’addiisu ka shaqeyso sidii ay xiriir iyo shirar ula qaadan laheyd Hay’addaha Caalamiga ah ee dunidda, asagoo islamarkaa inoo xaqiijiyay in ay Hay’adahaa qaar ay isku afgarteen sidii wax loogu qaban lahaa shacabka Jubbooyinka kunool iyo dhamaan shacabka Somaliyeed, iyo sidoo kalena taageeraan maamulkan cusub ee Jubbaland.
Duniya Yuusuf (Duniya Deggan) oo ah Chair-ka Jubba Center for Peace and Development ahna aqoonyahanad kasoo jeeda G. Gedo gaar ahaan deegaan ku ah degmooyinka ku teedsan Xuduuda sida BeledXawo, Khadija Xaaji, Doollow, Geedweyne, iyo Luuq oo goob-joog ka aheyd shirkan ayaa rajo weyn ka muujisay in shacabka Gedo ay si xoog leh u taageerayaan maamulkan cusub. Duniya Degan iyo Hey’adda Jubba Center for Peace ayaa marwalba qeyb libaax ka qaata dhiirigelinta Nabadda, la dagaalanka Abaaraha iyo Jahliga iyagoo marwalba isku daya inay ka hirgaliyaan, horayna uga hirgaliyay mashruucyo ka kooban raashin qeybin, waxbarasho iyo kuwo sportigga-qaabilsan.
Mr. Abdikhayr Sheikh Sofe oo ah madaxa sare ee Xafiiska Mayorka Magaalada Columbus, una qaabilsan xiriirka jaalliyadaha cusub ee Gobollka OHIO oo aan qadka Talefonka kula xiriirnay ayaa inoo sheegay in ay Jubbaland ka mid tahay maamul Gobolleedyada sharciyeysan ee ka jira dalka, loona baahan yahay ayuu yiri in Dowladdu aysan faro gelin ku sameyn, iskuna deyin inay bedasho ama qalqal geliso mowqifka shacabka reer Gedo oo ah inay ka mid noqdeen waliba si xor ah iyagu udoorteen ka qeybqaadashada Dowlad Gobolleedka Jubbaland.
Abdikheyr Sofe ayaa ah aqoonyahan looga-qaateen ah, kana mid ahaa aqoonyahanaddii wax ka aassaasay Jaamacada qaangaarka ah ee University of Gedo iyo College-ka hadda loo yaqaan Baardheere Polytechnic.
Sido kale waxaa soo dhaweeyay dhismaha Jubbaland, Madaxa Jaaliyadda Jubbaland DIASPORA ee North Amerika Mr. Guhaad Xaashi Pro asagoo ku baaqay in doorashada madaxweynaha iyo baarlamaanka la dardar geliyo, lana soo xulo dad tayo leh ayadoo aan ayuu yiri wax eed ah laga gelin cidwalba oo degaanka Jubbaland degan.
Si kastaba ha ahaatee, Dowlad Gobolleedkan ayaa kalsooni buuxda ka heshay shacabka Gobolladaas kasoo jeeda iyo guud ahaan hay’addaha caanka ah sida AMISOM, IGAD, USIAD, iyo tan ugu muhiimadsan, Xildhibaano Federal oo Boqollaal kor udhaafaya. Taa ayaa keeni karta Hubaal-xasilooni ah in loo helo Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo oo mudo dheer dhib-dagaal uu kusoo jiray.






Puntlandpost, Ohio, USA