Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

GAROOWE: Madaxweynaha Puntland oo maalmahan xariga ka jari doona Madaxtooyada cusub iyo Xarunta Idaacada iyo TV-ga .

$
0
0

Garoowe: (pp)- Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr C/raxmaan Shiikh Maxamed ayaa maalmaha soo aadan xariga ka jari doona dhismaha labo xarumood oo ka mid noqonaya xarumaha cusub ee ay ku guuleystay hirgalintooda Xukuumada Puntland, kuwaas oo kala ah Madaxtooyada cusub ee Puntland iyo Xarunta TV-ga iyo Idaacadda oo hawada lasoo galinayo.

Idaacada iyo TV-ga Puntland oo dhawaan hawada soo gelaaya.

Idaacada iyo TV-ga Puntland oo dhawaan hawada soo gelaaya.

Ilo xogagaal ah oo ka tirsan Madaxtooyada ayaa u xaqiijiyey Puntlandpost dhameystirida xarumahan cusub , kuwaas oo sida ay sheegeen ay u dhan yihiin dhamaan qalabkoodii xafiiseed iyo howlihii kale ee looga baahnaa.

Radio Puntland oo ah idaacadda short wave ah ayaa hawada lasoo galin doonaa, halka uu ka danbeyn doono TV-ga oo ka mid ah warbaahinta dowlada Puntland sheegtey in ay irdaha u furi doonto,waxaana intaas ku dareen ilahani in aysan xaqiijin karin xilliga TV-ga uu hawada laga daawan doono.

Dhanka kale xarunta Madaxtooyada cusub ee laga dhisey isla agagaarka Xarunta TV-ga iyo Idaacadda  ayaa lasoo gabo gabeyey, waxaana lagu wadaa in Madaxweyne C/raxman uu xariga ka jarayo maalmaha soo aadan.

Dhismaha Madaxtooyada cusub ayaa socdey sanad iyo bar , waxaana uu ka balaaran yahay midkii horey u daganeyd madaxtooyada, iyadoona uu noqonayo mid ku fadhiya dhul baaxad weyn , kana kooban qeybo badan oo ay ka mid yihiin Xafiisyadii, Guryihii Madaxweynaha, Ku xigeenkiisa, iyo Xerooyinka Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada.

Hay,addaha Dowlada Puntland ayaa dhismayaasha xarumo cusub oo loogu talo galey in ay usoo wareegaan xafiisyada iyo xarumaha Dowlada laga hirgaliyey duleedka waqooyi ee magaalada Garowe , iyadoona intooda badan la dhameystirey , laguna wado in dhawaan xariga laga jaro.

Waa Xukuumadii ugu horey ee Puntland oo ku guuleysata hir galinta dhismayaal u gaar ah kuna yaal hal goob oo u gaar ah hay,adaha Dowlada Puntland kuwaas oo laga fuliyey dhismayaal casriya oo bilicsan , waxaana sida dad badan hadal hayaan ka mid noqonayaan dhismayaashani  wax-qabadka xukuumada iyo guulaha ay ku talaabsatey.

FG: Hadii alle yiraahdo dhawaan Puntlandpost xafiiskeeda Garowe wuxuu idin soo gudbin doonaa sawirada iyo muuqaalka xarumaha cusub ee loo dhisey hay,adda Dowlada Puntland iyo kuwa xariga laga jarayo , goor dhow ka fillo Puntlandpost

Puntlandpost, Garowe.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>