Garowe(pp) Mamulka Gobalka Nugaal ayaa maanta xafiiska Gobalka isagu yeeray wakiiladda wasaraddaha Puntland u qaabilsan Gobalka Nugaal,kaasoo looga arinsayay qodobo badan.
Gudoomiyaha Gobalka Nugaal Cabdiqani Xaashi Cali Ciise ayaa sheegay shirka inuu salka ku hayay sidii loo wada shaqayn lahaa hay’addaha iyo wasaradahana loo ogaan lahaa howlaha ay Gobalka ka qabtaan.
Isu-duwayaasha ayuu u jeediyay inay dardar galiyaan howlaha ay wakiilka uga yimiin wasaraddaha Gobalka Nugaal,taasoo keeni karta in Gobalka laga dareemo is-badal dhab ah.
Shirka kan ayaa noqonayaa noociisa kii ugu horaysay uu Gudoomiyaha Gobalka Nugaal sameeyo.
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe