Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22750

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo dalka dibadiisa u dhoofay maanta

$
0
0

Bosaso(pp) Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed Shire Xaaji Faarax iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka ambabaxay magaaladda Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

aaaaWasiirka iyo Wefdigiisa ayaa maanta oo Jimce ah diyaarad ka qaaday garoonka diyaaradaha ee Bandar-qaasin Boosaaso,waxayna tagayaan sida qorshuhu yahay wadanka Kuweyt halkaas oo u kulamo kula qaadan doono Madaxda wadankaas.

Mudane Shire Xaaji Faarax ayaa kusii hakan doona wadanka Imaaraatdka carabta halkaasoo kula kulmi doono ganacsatada reer Puntland ,wuxuuna kala hadli doonaa horumarinta Puntland iyo doorka ay ku yeelan karaan.

Dhanka kale,mudada kooban uu ku suganyahay wadanka Imaartaadka ,wuxu kulan la yeelan doonaan Madaxda wadankaas isagoona kala hadli doonaan xiriirka iyo Iskaashi dhexmara.

Ka dib,waxay uga gudbi doonaan dalka Kuweyt halkaas oo u dowladda wadankaas kal hadli doono mashaariic ay ku dhiseyso garoonka diryaaradaha Garoowe iyo Jaamacada Maakhir University ee degmada Badhan.

Maalmaha uu ku suganyahay wadanka Kuweyt ayuu mas’uuliyiinta sarsare ee dalkaas kawada hadli doonaan mashaariicda kuweyt ka fulineyso Puntland,waxaana dhanka kale daba socon doona kulan Jaaliyadaha Puntland ee Kuweyt uu la qaadan Mudane Dr Shire Xaaji Faarax.

Wasaaradda Maaliyadda.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22750

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>