Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Dr. Jamaal Barrow : “ Dowladda Soomaaliya waxa ay ka codsaneysaa Xukuumadda Liibiya inay xabsiyadeeda ka siideyso muwaadiniinta Soomaaliyeed”(Sawiro)

$
0
0

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga Dr. Jamal Mohamed Barrow ayaa maanta ku qaabilay xafiiskiisa Siihayaha Safaaradda Liibiya ee Soomaaliya Danjire Daahir Saciid Cabdijaliil Dacluub oo ay ka wada –hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo arrimo ku saabsan maxaabiista Soomaalida ah ee ku xiran qaar ka mid ah xabsiyada wadankaasi .

DSC00148Danjire Daahir Dacluub ayaa uga xog-waramay Wasiir kuxigeenka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga Dr.Jamaal Barrow xaaladaha nololeed ee maxabiista Soomaalida oo uu ku sheegay kuwa isugu jira eedeysanayaal loo heysto fal dambiyeedyo , kuwa u xiran arrimo siyaasadeed iyo kuwa kale oo si sharci darro ah oo dhuumaaleysi ah ku galay wadankaasi.

DSC00143 DSC00146 DSC00148Siihayaha Safaaradda Liibiya ee Soomaaliya , waxa uu ka dhawaajiyay in dowladdiisu ay ku casuumi doonto dalkeeda wafdi ka socda dowladda Federaalka Soomaaliya si ay u kormeeraan xabsiyadda dadkaasi Soomaalida ah ay ku xiran yihiin .

DSC00146Dr. Jamaal Barrow, ayaa muujiyay sida dowladda Soomaaliya ay uga go’an tahay raadinta xaqqa iyo ilaalinta sumcadda muwaadinka Soomaaliyeed,isagoo ka codsaday dowladda Liibiya inay siideyso Soomaalida ku xiran xabsiyadeeda.

DSC00143Tallaabadan ay qaadeyso Wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee DF ee Soomaaliya ayaa waxa uu ambaqaadayaa codsigii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Prof. Hassan Sheikh Mohamud uu u jeediyay 26-kii bishii hore ee March Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda KMG ah ee Libya Mr. Ali Zeidan oo ay ku kulmeen Magaalada Doha ee caasimadda dalka Qatar intii uu socday shir madaxeedka carbeed , waxaana Madaxweyne Xasan uu ka codsadaydowladda Libya inay dhowrto xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalkeeda iyo in xabsiyadda ay ka siideyso maxaabiista Soomaalida ah , dibna ugu soo celiso wadankooda.

Section of Press And Public Relations (PPR)
info@mofa.gov.so


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>