Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Dadweynaha reer Murcanyo oo si kal & Laab ah usoo dhaweeyey Magacaabista Gobalka Gardafuul & Degmada Murcanyo.

$
0
0

Dadka kasoo jeeda Degmada Murcanyo waxay si kal iyo laab ah usoo dhawaynayaan Magacaabista Gobalka Cusub ee Gardafuul iyo weliba Degmada Murcanyo oo ay si rasmi ah u meel mariyeen Golaha wasiirada Puntland dhawaana la horgaynaayo Golaha Baarlamaanka.

garfuul

Waxayna arintan Mahadnaq iyo Amaan ugu jeedinayaan Madaxweynaha umadda Puntland Dr C/raxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) iyo weliba golihiisa wasiirada, Waxaa kaloo taageero xoog leh u muujinaaya, Mid kamid ah asaasayaashii iyo Hogmiyayaashii Maamulkii loo bixiyey Casayrland oo mar lagaga dhawaaqay degaanadan C/risaaq Jaamac Dhiis, Wuxuuna balan qaaday inuu la shaqayn doono Dawlada Puntland, wuxuuna sheegay inuu markii hore doonaayey in degaankan loo helo Gobal, Murcanyana ay degmo hesho, Waana uga mahadnaqaynaa Golyaasha Dawlada anagoo isku duuban waxaanuna balan qaadaynaa inaanu taageero isla garab taagi doono Urur Siyaasadeedka Horseed ee talada Dalka haya, Sida ay horayba dadka kasoo jeeda Murcanyo taageero aan gabasho lahayn ugu muujiyeen ururka Horseed Shirkii ka dhacay Hotel Amal Palaza ee Magaalada Boosaaso.

Waa tee Degmada cusub ee Murcanyo?? 

Degmada Murcanyo waxay ahayd Degmo suge 1960 oo ahaa xiliyadii Isticmaarka laga xoroobay, Intaas waxaa degmo loogu aqoonsan waayey cadaalad daro Dalka ka jirtay.

Nasiib wanaag Madaxweyne C/raxmaan Maxamed Maxamuud oo ah aabihii cadaalada Soomaaliya gaar’ahaan Puntland ayaa u garaabay tabashadii odayaasha degmada murcanyo, markuu hubiyey waxa dhabta ah ee meesha ka jira, oo ah in ay tahay degmo hodan ah oo isku filan degmooyinka kale ee Dalkana kabi karta, ayey garteen Madaxweynaha iyo Golayaashiisa kalaba in degmada Murcanyo ay kusoo biirto degmooyinka Puntland iyo Guud ahaan Dalka Soomaaliya, Waxaana arintan dhawaan Ansixiyey golaha wasiirada , Iyadoo dhawaan la horgeyn doono Wakiilada Puntland.

Murcanyo waa Magaalo soo jireen ah waxayna ku taalaa Badda Cas (Golf of Aden) , Waxayna ka kooban tahay labaatan iyo Dhawr tuulo, Wax soo saarkeedu wax uu ku tiirsan yahay:-

A-   Kalluumaysiga & Khayraadka Badda

B-Faleenka (Maydi,Beeyo iyo Geed-Mirood

C-Timirta iyo Beeraha yar-yar

D-Xoolaha Nool

E-Dhuxul dhagax,Macdan iyo Ceelal shidaal oo calaamadsan oo daboolan.

F- Ganacsiga Xorta ah.

Allaa Mahadleh.

Waxaa diyaariyey wax garadka reer Murcanyo.

Faafinta: Puntlandpost.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>