Kampala: (PP) - Wafti uu hogaaminayo Ra’iisal Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa gaarey wadanka Uganda , waxaana kulan ay la yeesheen Madaxda wadankaasi gaar ahaan xubno uu horkacayo Ra’iisal Wasaaraha Yugandha Amama Mbabazi.
Ray,isal wasaaraha Somalia Mudane Saacid ayaa ugu horeyn uga mahad celiyey kulanka furitaankiisii Uganda sida ay uga qeyb qaadaneyso xasilooni kusoo dabaalida Somalia, Iyadoona labada dhinac ay ka wada hadleen qodobo ay ka mid yihiin ,arrimaha iskaashiga amniga, dhaqaalaha iyo horumarka.
“Dawladda Yugandha waxaan uga mahadcelinayaa doorkeeda muuqda ee howl-galka nabad illaalinta AMISOM, waxayna aheyd dawladdii u horeysay ee ku timaada gurmadka AMISOM u gashay badbaadada Soomaaliya” ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Shirdoon.
Ra’iisal Wasaaraha Somalia wuxuu faah-faahin ka bixiyay ujeedada uu u yimid Ugandha , isagoona ku sababeeyey in ay la xiriirto dar der galinta howlaha sugida amaanka iyo xisillinta dalka , wuxuuna sheegey Mudane Saacid in ay wadaan qorshayaal cusub oo ay waftiga DF doonayaan in ay si buuxda ula kaashadaan AMISOM.
Dhinaca kale Ra,iisal wasaaraha Yugandha Amama Mbabazi ayaa isna dhankiisa waxa uu sheegey in uu u mahad celinayo booqashada waftiga Ra,iisal wasaaraha Somalia ku yimaadeen Uganda ,iyadoona uu intaas ku darey in dowlada Ugandha si buuxda usoo dhaweynayso qorshaha cusub ee waftiga Somaliya wadaan.
Waxaana lagu wadaa in ay sii socdaan wada hadalada labada dhinac u dhexeeya , iyadoona gabo gabada safarka waftiga DF ee Ra,iisal wasaaruhu hogaaminayo ay la kulmi doonaan Madaxweynaha Yugandha Yuweri Mesevini oo ay ka wada hadli doonan iskaashiga DF iyo Dowlada Uganda.
Puntlandpost_Kampala.