Garoowe : (pp)- Baarlamanka Dowlada Puntland ayaa wax kama jiraan ku tilmaamey eedeymo dhawaan u jeediyeen qaar ka mid ah ururada siyaasada ee Puntland ka jirra, ka dib markii baarlamanku uu dhawaan ansixiyey xeerka goloyaasha deegaanka oo qaar ka mid ah ururadu ka biyo diideen , kuna dhaliileen xubnaha baarlamanka Puntland in aysan dhex dhexaad ka ahayn wacyiga jirra.
Xillibaan Burhaan Aadan oo ka mid ah mudanayaasha baarlamanka ee beeniyey eedeyntaasi ayaa isaga oo la hadlaya warbaahinta gudaha waxa uu sheegey in baarlamanku horey u ansixiyey hay,adda la yiraahdo guddiga doorashada Puntland,lana hirgaliyey ka hor intii aan ururada siyaasada la furin, ayna xaq u leedahay in ay golaha wakiilada usoo gudbiso wixii caqabad ku ah.
Xillibaan Burhaan wuxuu intaas ku darey in codka golaha wakiilada ajanda walba oo ku horyaala aysan jirin cid loogu daneynayo iyo cid lagu xumeynayo midna, wuxuuna ku sifeeyey qodobadii xeerka goloyaasha deegaanka in ay ku yimaadeen ka dib markii baarlamanka usoo gudbisey go,aan ka gaaristooda Guddiga Doorashooyinka.
“Wixii cabasho ah oo ku saabsan doorashooyinka iyo qodobadaas, Ururkii ka dacwoonaya Guddiga Doorashadu xaq u leeyahay in ay u tagaan oo ay ka qanciyaan tabashadooda, xiriirka ka dhexeeya Guddiga iyo Ururadaas koley iyaga ayaa og, balse ka baarlaman ahaan annagu wixii doorasho ku saabsan guddiga doorashada ayaan kala xiriirnaa, madaama ay yihiin hay,adda Puntland u qaabilsan doorashooyinka oo loo dhaariyey ” ayuu yiri xillibaanku.
Xillibaan Burhaan Aadan waxa uu sheegey in uu fariin u dirayo shacabka Puntland,kana codsanayo in ay aqbalaan nidaamka asxaabta iyo doorashooyinka xorta, iyadoo uu dabo dhigey hadalkiisa in aysan u daneyn shacabku xisbi gaar ah iyo mid gooni loo wato ,isagoo taas bedelkeeda ku sheegey in ay tahay masuuliyad saaran shacabka Puntland ka gudbitaanka hababkii horre wax loo soo dooran jirrey.
Burhaan Aadan wuxuu sidoo kale ku nuux nuuxsadey in ay joojiyaan Ururada siyaasada hadalada kasoo baxayey maalmihii lasoo dhaafey oo ku sheegey kuwo aan munaasab ahayn oo gaf loogu geysanayo hanaanka bilowdey.
wuxuu ku dhaliiley ururada in ay og yihiin marxalada wadanka wixii caqabad ku ah ee laga gudbayo balse aysan ka dhigin qodobada la bedelayo sidii Aayad qur,aan ah oo aan meelna loo dhaafi karin , isagoona sidoo kale xillibaanku Guddiga doorashada ku booriyey in ay dhex dhexaad ka ahaayaan mar walba hanaankan.
Dhawaan ayay ahayd markii Guddiga doorashada Puntland fadhigii baarlamanka ugu soo gudbiyeen ka saarista qodobo ku jirra xeerka doorashada goloyaasha deegaanka oo ay ku tilmaameen kuwo hortaagan doorashada bisha 5 aad ee socota, waxaana dood iyo falanqeyn maalmo qaadatey Mudanayaashu u codeeyeen 3 April 2013 in qodobadaas laga maarmo.
puntlandpost.pp@gmail.com
Puntlandpost.com
Garoowe