Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Mamulka Garowe oo sheegay afar wado in la bilaabi doono (Dhagayso)

$
0
0

Garowe(PP) Iyadoo ay maalin-ba maalinta ka danbaysa ay sii korayso caasumadda Puntland ee Garowe ayaa waxaa arrintaasi bar-barso dhismaha wadooyin aad u qurux iyo kuwo kale oo laami laga dhigay.

828Dhowaan waxaa la dhameeyay laami cusub oo hor mara xarunta dowladda hoose ee Garowe,taasoo ku timi ka dib markii mamulka magalada Garowe lagu abaal mariyay.

Duqa Garowe Cabdicasiis Nuur Cilmi ayaa sheegay bisha soo socota inay bilaabi doonaan afar wado oo hor leh kuwaasii xaafado cusub dhex mari doono,waxana ku jirta wadooyinkaasi tan mara Jidka Soddanka oo mudooyinkii lasoo dhaafay dhaqaale lagu dhiso loo raadinayay.

Saddex wado Hay’adda NAI ayaa dhaqaalaheeda ka saaciday mamulka magalada Garowe halka tan afaraad-na ay qayb ka tahay barnaamijka JPLG ee sanadkan.

Cabdicasiis Nuur Cilmi Koor ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay dhismaha wadooyinkan cusub inay bilic iyo hormar kusoo kordhin doonaan magalada Garowe.

Halkan ka dhagayso Waraysiga Duqa Garowe ee wadooyinka.

Puntlandpost.com

Xafiiska Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>