Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Wadooyinka Buuhoodle oo xiran iyo Wasiirka Somaliland oo loogu baaqay inuu Buuhoodle ka baxo (Dhagaysi&Sawirro)

$
0
0

Buuhoodle(pp) Banaanbax ballaaran oo maanta ka dhacay magalada Buuhoodle ayaa waxaa looga soo horjeeday wafdi uu hoggaminayo wasiirka Somaliland Saleebaan Ciise Xagletoosiye oo maalinkii labaad magalada ku sugan.

Garaad Jaamac Buraale Aadan oo ka mid ah waxgaradka Gobalka Cayn ayaa ku baaqay inay is-dajiyaan shacabka banaan baxa maanta sameeyay wuxuna sheegay inay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo nabadgalyada magalada Buuhoodle.

Wasiirka Caafimaadka iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayuu Garaad Jaamac ugu baaqay inay dib ugu laabteen magalada Hargaysa maadama ay kacsan tahay xaalada magalada oo dadku ay sheegayaan inay ka xun yihiin dad Somaliland matalaya inay yimaadaan magalada Buuhoodle.

Dad aad u caraysan ayaa maanta xiray wadooyinka magalada Buuhoodle taasoo markii danbe sababtay in labo qof ay ku dhaawacanto walow siyaasado is-diidan ay ka aloosan yihiin wali magalada Buuhoodle.

Wafdi kale uu hoggaaminayo Cali Khaliif Galayr ayaa ku sugan magalada Buuhoodle kuwaasoo qaban qaabinayo shir arrimaha mamulka Khaatumo looga arrinsanayo.

War hoose oo soo gaaraya Puntlandpost ayaa sheegaya socdaalka Xagletoosiye inuu yahay mid lagu carqaladaynayo kan Cali Khaliif Galayr uu ku jooga magalada inkastoo Galayr uu sheegay inuu wada hadal la furi doono mamulka Somalilad.

Halkan ka Daawo Bananbaxa Buuhoodle iyo Codka Garaad Jaamac

Puntlandpost.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>