Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Kooxda Garowe oo si awood leh uga badishay kooxda Jubba Koobka Kubadda Koleyga ee Daarsalaam (Sawirro)

$
0
0

Magalada Daara-salaam ee dalka Tansaaniya waxaa maalinkii shalay ka furmay tartanka ciyaaradaha kubadda Koleyga ee magaalooyinka Bariga iyo Bartamaha Africa.Dalkeea hooyo ee Soomaaliyana sanadkaan waxaa uga qayb galay Magaalooyinka Garowe iyo Hargaysa.

SAMSUNG CAMERA PICTURESKooxda matalaysay Puntland ee Garowe ayaa shalay ciyaartii ugu horaysan la gashay koox ka socotay magalada Jubba iyadoona kulankaasi uu ahaa mid si wayn loosoo dhaweeyay isla markasna kooxda Garowe lagu ammaanay inay si wanaagsan ciyaar la jeclayso usoo bandhigtay.

Labada kooxood ee ciyaarta lagu furay ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed wanaagsan oo dadkii daawanayay ay runtii ku qanceen,balse waxay guushu ku raacday kooxda Garowe oo ku adkaatay goolal gaaraya 90-halka dhigeeda Jubba-na ay keensatay 69-gool oo qura.

SAMSUNG CAMERA PICTURESBilowgii ciyaarta waxaa kasoo qayb galay waxaa kasoo qayb galay madax ka socotay Guddiga Fifa.Africa Zone5,madaxda Guddiga ECAIBC iyo masuuliyiin kale.

Guusha kooxda kubadda Koleyga Garowe ay gaartay ayaa lagu tilmaamay mid hordhac u ah in kulamadda kale ee u harsan ay awood ku badin karaan.

Cabdirashiid Xasan Hirse oo kooxda Garowe hoggaaminayay ayaa tilmaamay inay ku faraxsan yihiin guusha ay ka gaareen kooxda ka socotay magalada Jubba ee Koonfurta Suudaan.wuxuna sheegay inuu ku rajo wayn yahay inay kulamadda kale ee u harsana ay guulo wax ku ool ah ka gaaraan.
SAMSUNG CAMERA PICTURES SAMSUNG CAMERA PICTURES SAMSUNG CAMERA PICTURES SAMSUNG CAMERA PICTURES SAMSUNG CAMERA PICTURES SAMSUNG CAMERA PICTURES SAMSUNG CAMERA PICTURES 10155411_10152358432446826_767229578974943623_n
Puntlandpost.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>