Muqdisho(pp) Gollaha barlamanka federaalka Somalia ayaa maanta meel-mariyay miisaaniyadda ay dowladdu ku shaqaynayso inta ka hartay sanadkan 2014-taasoo cadadkeedu gaarayo $219 Milyan.
In ka badan boqol iyo konton xildhibaan ayaa fadhiga maanta miisaaniyadda lagu ansixiyay soo xaadiray iyadoona ugu danbayntii laga soo gudbay dhaliil iyo eedo loosoo jeediyay qaabka loosoo diraayshay lacagta ay dowladdu ku howlgalayso.
Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Jeylaani Nuur Iikar wuxuu ku dhawaaqay in miisaaniyadda ay ansax tahay ayna codka kalsoonida ah siiyeen 162-mudane oo ka mid ahaa xubnihii kulankii joogay.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia ayaa horay u shaaciyay inaan amar la’aanta Baarlamaanka dalka lacag loogala bixi karin Bankiga dhexe ee dalka inta laga Ogaanayo lacagaha laga saaro siyaabaha wax loogu qabto.
Puntlandpost.com
Xafiiska Muqdisho