Gaalkacyo (PP) Munaasabad lugu maamuusayo xuska sannadguurada 71aad ee kasoo wareegtay aas-aaskii ururka dhallinyarada Soomaaliyeed ee SYL ayaa maanta ka dhacday magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Xuska 15-may ee maanta lugu qabtay Gaalkacyo,waxaa ka soo qeyb-galay maamulka gobolka Mudug,kan degmada Gaalkacyo,mas’uuliyinta ugu saraysa ururada GUYA iyo TAG Foundation iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.
Dahfurkii munaasabada waxaa ka hadlay guddoomiyaha ururka ay ku mideysanyihiin jaamacadda ku yaalla magaalada Gaalkacyo,waxuuna si dheer uga hadlay muhiimada ay dadka Soomaaliyed maalintan u leedahay,waxaana uu ka sheekeyey aas aaskii SYL iyo halgankoodi dheera.
Caasho Geelle Diiriye,wasiirkii hore ee haweenka Puntland oo xilligaana madax ka ah daladda TAG Foundation ayaa iyaduna dhankeeda ugu baaqdey dhallinyarada Soomaaliyed ka dhowrsanaanta tahriibka iyo arrimaha dhibaatooyinka ay kala kulmi karaan.
Guddoomiyaha gobolka Mudug,Maxamed Yuusuf Jaamac(Tigay) oo ka mid ah mas’uuliyinta dowladda ka jogtay munaasabadan waxaa uu ku sheegay xuska aaskii ururka dhallinyarada Soomaaliyeed ee SYL inay tahay mid ku weyn qulubta umadda Soomaaliyed,waxaana uu faray dhallinyarada reer Puntland iyo guud ahaanba Soomaalida inay ku deydan jidkii ay horay u garsiiyen SYL dhulweynaha Soomaalida.
Ku-xigeenka duqa degmada Gaalkacyo,Yacquub Maxamed Cabdalla oo ka socday maamulka degmada Gaalkacyo ayaa isana waxaa uu dhankiisa sheegay in loo bahan yahay dhallinyarada Soomaaliyed inay hormuud u noqdan isbadalka dalka iyo sidii looga samatabixin lahaa xaaladda uu xilligaan dalku ku jiro.
Inta badan mas’uuliyinta ka hadashey munaasabadan waxaa ay ka hadleen qul-qulka tahriibka oo ku soo batay dhallinyarada Soomaaliyed waxaana ay si guud ugu baaqen in arrinta laga hortago.
Munaasabada sidoo kale waxaa lugu soo bandhigay muuqalo ka hadlaya taariikhda ururka dhallinyarada Soomaaliyeed ee SYL,waxaana muuqalada soo diyaarisay qeybna ku lahayd qabsoomida xalfaddan hay’adda cilmi baarista Puntland ee PDRC.
Ruwaayado la xiriira xuska 15-may iyo qatarta tahriibka ay kala kulmaan dhallinyarada Soomaaliya ayaa sidoo kale lugu soo bandhigay inta ya socotay munaasabadu.
Maanta oo kale, sannadku markuu ahaa 1943-kii ayaa la aas-aasay ururkii dhallinyarada Soomaaliyee ee SYL oo horseeday xornimada jamhuuriyadda Soomaaliya.