Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

SAWIRRO+WARBIXIN:Puntland oo soo dhawayn usamaysay Wasiiro iyo odayaal Dhaqmeed ka soo jeeda Dowlad deegaanka Soomalida Ethopia

$
0
0

Waxaa maanta Magaalada Garowe ee Caasumada Puntland si diiran loogu soo dhaweeyay Wasiiro iyo odayaal  Dhaqmeed ka soo jeeda Dowlad deegaanka Soomalida Ethopia,kuwaasi oo Puntland u yimid ka qayb galka CaleemaSaarka Boqorka Beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse.

Wafdigaan oo ay hogaaminayeen Wasiirka Cadaalada Dowlad deegaanka Soomalida Ethopia Mudane Cabdi Xuseen Cabdi Sokor iyo Sidookale Garaad Kulmiye Garaad Maxamed Garaad Dool ayaa waxaa ka qayb qaatay soo dhawayntooda Wasiiro katirsan Xukuumada Puntland.

Waxana kamid ahaa Wasiiradaasi Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose Axmed Cilmi Cismaan Karaash,Wasiirka Amniga Mudane Xasan Aloore,Wasiirka Waxbarashada Puntland Cali Xaaji Warsame,Maamulka Gobolka Nugaal,Maamulka Degmada Garowe,Saraakil katirsan Madaxtooyada Puntland iyo Masuuliyiin kale .

Waftigaasi ayaa marki ay gudaha u soo galeen Magaalada Garowe,waxaa loo gudbiyay Aqalka Madaxtooyada Puntland,waxana halkaasi ku soo dhaweeyay Madaxwaynaha Dowlada Puntland Mudane Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

Madaxwaynaha Dowlada Puntland Mudane Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in uu si aad ah ugu faraxsanyahay Wafdigaani balaaran ee ka yimid Dowlad deegaanka Soomalida Ethopia.

‘’Aad baan u soo dhawaynaya isimada iyo dhaqanka,waxaana runtii aad ugu faraxsanahay inaan booqday dowlad deeganka Soomalida aad bayna noo soo dhaweyen,waxana kajira dowlad iyo shacab wanagsan Puntland taasoo kalaa kajirta ‘’Ayuu yiri Madaxwaynaha Puntland .

Madaxwayne Mudane Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa gaba gabadii  cadeeyay In waftigaani Puntland u yimaaden sidii ay uga qayb qaadan lahaayen Caleemasaarka Boqorka 34-aad ee Beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse.

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta,Wacyigalinta,Hiddaha iyo Dhaqan ee Madaxtooyada Puntland .

IMG_4157 IMG_4179 IMG_4180 IMG_4183 IMG_4187 IMG_4190 IMG_4193 IMG_4194 IMG_4196 IMG_4199 IMG_4202 IMG_4203 IMG_4204 IMG_4211 IMG_4212 IMG_4216 IMG_4217 IMG_4218 IMG_4221 IMG_4232 IMG_4233 IMG_4244 IMG_4246 IMG_4254 IMG_4255 IMG_4259 IMG_4260 IMG_4263 IMG_4270 IMG_4271 IMG_4273 IMG_4277 IMG_4283 IMG_4284 IMG_4287 IMG_4289 IMG_4299


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>