Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

War Deg Deg ah ; Xildhibaano ka Tirsan Dowlada Federalka oo Gaalkacyo kasoo dagay.

$
0
0

Gaalkacyo (PP) Waxaa gooe dhowd Magaalada Gaalkacyo soo gaaray Xildhibaano  Xildhibaano ka tirsan Dowlada Federalka Soomaaliya.

 

Xildhinaada oo tiradoodu dhantahay ilaa 4 ayaa waxaa Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug kusoo dhoweeyey Maamulka Gobolka Mudug iyo kan degmada Gaalkacyo.
Soo dhoweynta Xildhibaanada ayaa waxaa qayb ka ahaa dadweynaha kunool Magaalada Gaalkacyo qaarkood kuwaas oo ka kala yimid xaafada kale duwan ee Magaalada.

 
Gudoomiye kuxigeenka Koowaad ee Gobolka Mudug Farxaan Cali Xirsi ayaa Xildhibaanada kusoo dhoweeyey Magaalada Gaalkacyo iyo Guud ahaan Gobolka Mudug.

 

 

Xildhibaan Maxamed Xuseen Nuur Xagaafe oo isagu ku hadlay Afka xildhiinada Soo gaaray Gaalkacyo ayaa sheegay in ay Puntland yimadeen in ay ka jawaab Baaq Madaxweymaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas oo ahaa in Puntland kusoo laabtaan Xildhiibada Dowlada Federalka ee kasoo jeeda Deegaanada Puntland.

 
Xildhibaanada ayaa xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Gaalkacyo waxa ay kula kulmeen Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose Axmed Cilmi Cismaan Axamed Karaash.

 
Xildhiinada ayaa qayb ka noqo kuwo horey uga yimid Magaalada Muqdisho kuwaas oo Puntland uyimid sidii ay uga tashan lahayeen Dowlada Puntland oo xiriirka ujartay Dowlada Federalka Soomaaliya.

_____


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>