Xingalool (pp)Dagmada xingalool ee gobalka sanaag oo Martigalinyasa Shirwaynha Wada tashiga Ee warsangali ee guuleed 2-labo Ayaa waxaa Afraiyo Ayaa saacadii ugu danbey soogaaray Ergooyin kaladuwan kaa uyimid ka qaybgalka Shirka oo Maalintii shalay uu si rasmi ah ufaray Suldaanka Guud Ee Warsangali suldaan Siciid Suldaan cabdisalaan
Ergooyinka Sooogaray dagmada Ayaa Waxaa kamid Ah ergo balaaran oo uu hugaaminaayay Caaqil Abshir Qaadi oo ah caaqilka guud ee warsangali oo ka soo kicitimay dagmada Ceelaayo Ee Gobalka haylaan
Ergada balaaran ee hugaaminaayay Caaqilka waxaa Sidiiran ugu soodhaweeyay Dagmada xingalool qaybga kaladuwan ee Bulsha Dagmada kuwaasi oo ugu hortay Afaafka hore laga soogala Dagmada
Caaqil Abshir Qaadi iyo ergada Balaaran ee uu hugaaminaayay Ayaa Markii Ay soogaareen halkii Ay ku sugnaayeen Dadadwaynihii soodhawaynayay Ayaa wax ay si saf balaaran ugu gacan qaadeen dadwaynihii Faraha Barnaa ee Soodhawaynayay
Nabadoon Jaamac warsame Ciroowe (jafaal) oo Kamid Wax garadka Gobalka Sanaag oo lahaday warfidiyeenka Ayaa ku soodhaweeyay ergadanDagmada Xingalool , waxaana uu tilmaam in uu ku faraxsanyihiin imaansha hooda xingalool
” Waaan idin sodhwaynaanaa waana iidin salaanay , waxaanu xiisaynaynaa socodkii xiliga aad ku soobeeganteena waxbo idin madhaafin , markale waad mahdsntiin waana idin soodhawaynayna waana wada howlgalaynaa” Ayuu yiri Nabadoon Jaamac wasame
Caaqil Abshir Qaadi caaqilagka guud ee warsangalin Ayaa dhankiisa uga mahadceliyay Shacabka Dagmada Xingalool islamarkaasna uu tilmaamay in uu maqasuud kayahay sida Diiran ee looga soodhaweeyay Asiga iyo Wafdiga uu hugaaminaayay Dagmada xingalool
”waxaan ka soo anan baxanay aniga iyo wafdigayda dagmada ceelaayo, Aad iyo Aad waxaan ugu faraxsahay Sida naloosoodhaweeyay , waxaana aad ugu faraxsanahy oo aanu aad ugu hanwaynahay Anagoo ka xun inta yar ee aanu dib uga dhacnay ” Ayuu yiri Caaqil Abshir Qaadi
Caaqil Abshir Qaadi caaqilagka guud ee warsangalin ayaa kamid ah ergooyinkii ugu danbeeyay ay ka qaybgalaysa shirwaynaha wada tashiga ah Ee warsangali Ee Guuleed 2-labo oo Maalintii shay uu si rasmi ah udaah furay Suldaanka Guud Ee Warsangali suldaan Siciid Suldaan cabdisalaan
puntland Post.com
cabdi Nasir Daacad