Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta Kormeer shaqo ku tagay Xarumaha ay ku shaqeeyaan Wasaaradaha Deegaanka ,Duurjoogta iyo Dalxiiska ,Wasaarada Cadaalada Arimaha Diinta iyo Dhaqancelinta iyo Wasaarada Caafimaadka Puntland,gaar ahaan Xarumahooda ku yaala Magaalo Madaxda Dowladda Puntland ee Garoowe.
Kormeerkii ugu horeeyay ayuu Madaxwayne Gaas ku tagay Wasaarada Deegaanka ,Duurjoogta iyo Dalxiiska waxana halkaasi ku soo dhaweeyay Wasiir ku xigeenka iyo Howlwadeenada Wasaaradaasi,isagoona sidookale kormeer ku sameeeyay dhamaan xafiisyada Shaqo ee Wasaarada Deegaanka Dalxiiska iyo Duurjoogta Puntland.
Kormeerkii Labaad ayuu Madaxwayne Dr.Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas sidookale ku tagay Xarumaha Wasaarada Cadaalada Arimaha Diinta iyo Dhaqancelinta iyo Wasaarada Caafimaadka Puntland waxana uu kula kulmay Wasiirada Wasaaradahaasi iyo Howlwadeenada oo si toos ah ugu guda jiray Howlaha loo idmaday.
‘’Aad baan ugu bogaadinaya Saddexdii Wasaaradood ee aan soo maray Sida Maamulka,Madaxda iyo Shaqaaluhuba ugu adeegayaan Puntland,waxana rajaynayaa Wasaaradaha kalana in iyana sidookale yeelaan’’Ayuu yiri Madaxwayne Gaa oo lahadlay Warbaahinta .
Kormeerkaan uu Maanta Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ku tagay Xarumaha Wasaaradahaasi ayaa qayb ka noqonayo kormeero shaqo oo uu Madaxweyne gaas horay ugu tagay Qaar kamid ah Wasaaradaha Puntland.