Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Dugsiga RPS oo lugu soo gaba-gabeeyey tartan dhexmaray Ardeyda ka barata caafimaadka (Sawirro)

$
0
0

Gaalkacyo (PP) Dugsiga RPS ayaa maanta munaasabad ka dhacday waxaa lugu soo xiray tartan u socday ardeyda barata caafimaad,waxaana goob-joog u ahaa maamulka gobolka iyo mas’uuliyinta dugsiga RPS.

Tartankan oo socday muddo kodhow  labo bilaad ayaa ugu danbeyn waxaa guushu ku racday fasalka Iftiinka ee dugsiga RPS,iyadoona munaasabad abaal-marino lugu siiyey ardeyda guuleysatay.

Guddoomiyaha gobolka Mudug,Maxamed Yuusuf Jaamac (Tigay),isku duwaha wasaaradda warfaafinta,Cabdinaasir Badal Khalaf,maamulka sare ee dugsiga RPS,xildhibaanno ka tirsan golaha deegaanka iyo xubno ka socda bulshada Gaalkacyo ayaa ka qeyb-galay.

Cabdinaasir Badal Khalaf oo ah isu duwaha wasaaradda warfaafinta Puntland oo hadalka furitanka qaatay,waxaa uu ku ammaanay dugsiga RPS dadaallada uu ku bixiyey koru qaadida waxbarashada Puntland.
Maamullaha dugsiga RPS,Maxamuud Xasan (Dhooye) ayaa isna dhankiisa sheegay inay bulshada ka helan dhiiri-galin badan,waxuuna inta raaciyey inay dhankooda ka soo bixi doonan kaalinta ay bulshada ugu jiraan.

 
Guddoomiyaha gobolka Mudug ayaa isna dhankiisa sheegay  RPS inuu dagaal kula jiro aqoon la’aanta,waxuuna ku dhiirigaliyey dadaalka uu wado dugsiga,isagoona ballan-qaaday inay taageero la garab tagan-yihiin.

 
Dhinaca kale,waxaa munaasabadda lugu soo bandhigay koox kubadda cagta ah oo ku ciyaareysa magaca dugsiga RPS,kooxda waa koox ay ka ciyaarayan qar ka mid ah wariyaasha gobolka Mudug.

 
Kooxdan wariyaasha ah ayaa qorshahooda dhismo waxaa lugu sheegay inay qeyb ka tahay dadaallada lugu doonayo in dhallinyaradu ay ku dhiiradan Isboortiga lagana weeciyo dhinaca tahriibka oo gobolka ku soo batay.

DSC08526 DSC08564 DSC08578 DSC08606 DSC08622 DSC08656 DSC08660 DSC08681 DSC08683 DSC08692

_____
Maslah Mukhtaar Daahir
Gaalkacyo


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>