(PP Bosaso )Mas’uuliyiinta katirsan dowladda Puntland oo kamid ahaayeen Xubno katirsan Golaha xukuumada , Maamulka Dagmada Bosaso , Gancsato iyo Odayaal dhaqameed ayaa maanta ka qeyb galay Magaalada Bosaso Ee Xarunta Dhaqaalaha Puntlanad Munaasabada xariga looga jaraayay shirkad Cusub oo ka shaqeyndoonto dayactirka iyo badbaada gaawarida (DBB)oo markii ugu horeysay laga hirgaliyay Magalaada Bosaso Ee Xarunta Gobalka Bari
Maamulaha shirkadaan oo lagu magacaabo Cabdi ladiif Macalin Daahir ayaa munaasabad lagu furayay shirkadaan ka sheegay inay shirkadooda qabanayo hubinta Gawaarida si loogu aamino nafsada bini aadamka iyo maalkaba , waxaan uu sheegay in ay muhiim tahay in lahubiyo sanadkii hal mar gaadiidka inta uu shilalka kakeena,Si looyareeyo shilalka
Wasiir ku xigeenka Wasaarada Maaliyada Dowlada Puntland Axmed Yaasin Saalax iyo Wasiir ku xigeenka Wasaarada Xanaanada Xoolaha Dowalada Puntalnd cabdi Wali Seed oo qayb ka ahaa Madaxdii ka qaybgashay Munaasabada furitaanka shirkadan Ayaa ku tilaamay Shirkadan Wax tar faa’iido leh oo ay horsed katahay xukuumada uu hugaamiyo Pro. Gaas, Waxaan Ay ugu baaqeen Dhaman Darawaliinta In Ay yimaadaan Shirkadan oo iska hubiyaan gawaaridooda
Wasiir ku xigeenka Howlaha guud iyo gadiidka Dowlada Puntland Cabdi Raxmaan Yuusuf Faarx oo Xariga ka jaray shirkadaan cusub ayaa sheegay in Ay qayb katahay Wax yaabihii ay ku dhaarteen in mashaariicda caynkani oo kalaha la hormariyo , waxaan uu sigaar ah ugu mahadceliyaya ganacsatada isku xilsaartay keenista Shirkadan DBB
Waaa xaruntii labaa ee shirkadan DBB ay ka furata deegaanada puntland ,Waxaana October 1 ee sandka Ay kafuratay Xaruntii Ugu horayasay magaalada Garowe Ee Caasimada Dowlada Puntland