Garowe(PP) Xasan Maxamed Ciise oo loo yaqaano Xasan Goodir oo ah ganacsade reer Puntland ayaa maanta oo isniin ah ku dhowaaqay inuu yahay murashax utaagan gudoomiyaha gollaha deegaanka Garowe.
Murashax Xasan Goodir oo maamule ka ah shirkada dhismaha wadooyinka ee (PCC), ayaa musharaxnimadiisa ku shaaciyay shir jiraa’id oo uu maanta saxaafada ugu qabtay magaalada Garowe, kuna sheegayay inuu yahay nurashax mugleh.
Xasan Goodir ayaa sheegay inuu yahay shakhsi ay bulshada Garowe si weyn u wada garanayaan laguna yaqaano dhismayaasha wadooyinka laamiyada Garowe, sida wadada Sheekh Cabdulqaadir, Wadada Islaan Maxamed, wadada Wadajir, Wadada Sodanka iyo wadada Dr Jimcaale.
Wuxuu sheegay haddii uu ku guulaysto maamulka degmada Garowe inuu ku shaqeyndoono cadaalad, daacadnimo iyo howlkarnimo, sidoo kalena wuxuu tilmaamay inuu ku dadaalidoono in caasimada Puntland noqoto mid kamid ah kuwo ugu bilicsaan caasimadaha gobolka.
Waxaa kale oo uu sheegay inay ku shaqayndoonaan rabitaanka bulshada ayna ahaandoonaan kuwo aan ku tagri falin hantida dadka oo tixgalindoona rayigooda caamka ah.
Waa murashixii lixaad oo iskusoo taaga tartanka loogu jiro duqa degmada Garowe, oo dhowaan la filayo doorashadiisa inay ka qabsomto magaalada Garowe.
Halkaan ka dhageyso codka musharaxa.
Daawo sawirro
Puntkandpost.com