Garowe(PP):Duqa Cusub ee Garowe ayaa maanta xilka kala wareegay Siihaya xilka duqa Garowe Axmed Siciid Geele,waxaana kasoo qayb galay,r,Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr. Cabdinaasir Cismaan Cuuke,Agaasimaha guud ee wasaaradda Arimaha gudaha Muna Daahir Dalma iyo xubno ka tirsan Dowladda Hoose ee Garowe.
Axmed Shoodhe oo isagu xilka ku wareejiyey Duqa cusub ee Garowe Xasan Goodir ayaa sheegay in dadweynaha reer Garowe ay hal meel uga soo wada jeestaan wada shaqaynta magaalada,isagoo xusay inuu la shaqayn doono Duqa Cusub.
Shoodhe waxaa uu sheegay in Siyaasada meesha uu hada ka bilaabay uu kasii wadi doono isagoo tilmaamay inuu jecel yahay meel sare inuu ka gaaro.
Duqa Cusub ee Garowe Xasan Maxamed Ciise Goodir ayaa tilmaamay in xilka maanta uu la wareegay uu ugudan doono wajibaadka uu leeyahy si wanaagsan,waxa uuna u mahad celieyey Duqii hore ee Garowe Cabdicasiis Nuur Cilmi Koor iyo kan hada uu xilka kala wareegay ee Shoodhe.
Goodir waxaa uu ka codsaday Shacabka Garowe inay la shaqeeyaan maamulka dowladda hoose, wuxuuna xusay in hadii lawada shaqeeyo waxbadan la qabsan karo.
Xasan Goodir ayaa markii uu tartamyey Duqa Garowe waxaa uu sheegay inuu laami saarayo wadada aada isbitaalka guud ee Garowe.
Puntlandpost.com.