Muqdisho(PP):Dowladda Fadaraalka Soomaliya waxay sheegtay in tayeynta Ciidamada kala kaashanayso Beesha caalamka,islamarkaana dowladdu waxay wadaa qorshe laysugu dhafayo ciidamada dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada.
Ra’iisul wasaaraha Dowladda Fadaraalka Cumar Cabdirashiid Cali oo kusugan xarunta Qaramada Midoobay ee New York ee dalka Maraykanka ayaa sheegay in dowladdu kala kaashanayso saaxiibadooda beesha caalamka sidii loo dhisi lahaa ciidan Qaran iyo isku dhafka ciidamada.
Cumar wuxuu sheegay in Beesha caalamka ka taageeri doonaan sahayda ciidamada iyo xeryo lagu tababaro,isagoo hadalkiisa sii raacshay in baahida ugu weyn oo ciidanku qabo tahay Xeryo la’aan.
Ra’iisul wasaaraha ayaa tilmaamay in dowladdu ay wado qorshe la doonayo in layskugu dhafo Ciidamada dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada,islamarkaana la rabo in la dhiso ciidan Qaran, taasna rabaan inay kala kaashadaan Beesha caalamka.
Hadalka Cumar Cabdirashiid ayaa kusoo aaday xili maalmo ka hor dowladda Maraykanku ugu deeqday gaadiid dagaal Ciidamada Qaran ee lagu diyaarinayo Kismaayo.
Puntlandpost.com