Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Dagaalkii Gaalkacyo ka socday oo istaagay iyo dad badan oo ku dhaawacmay (Dhagayso)

$
0
0

Gaalkacyo(pp) Dagaalkii u dhaxeeyay ciidanka Puntland iyo maleeshiyo hubaysan oo kasoo jeeda Galmudug ayaa istaagay, waxaana lagu soo waramayaa inay ku dhaawacmeen labada dhinac dad ku dhow kontan qof sidoo kalena ay ku dhinteen labo qof.

Duqa degmada Gaalkacyo Mudane Cabdicasiis Jaamac Nugaal ayaa sheegay dagaalka inay soo qaadeen koox hubaysan oo kasoo jeeda Galmudug, wuxuna cadeeyay dagaalka inuu sababay naf iyo maal dhanka Galmudugna laga soo tuurayay madaafiic dad badani ku waxyeeloobeen.

Xaalada ayaa hadda u muuqata mid degan waxaana dhaawacyadda dagaalkaasi lagu dabiibayaa isbitaalka guud ee magalada Gaalkacyo.

Jaamac Nugaal waxa uu sheegay ciidanka dowladdu inay fagooyeen kooxdii dagaalka soo qaaday ayna sii wadi doonaan howsha ay ka wadeen xaafada Garsoon oo ah dhismaha waddada oo la gaarsiin doono meeshii loogu talo galay.

Puntlandpost.com
Xafiiska Gaalkacyo


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>