Garowe(pp) Hoolka shirarka wasaradda Caafimaadka dowladda Puntland ayaa maanta oo Axad ah waxaa ka furmay shir labo maalmood soconaya ay wasaraddu kula xisaab-tamayso Hay’adda World Vision oo barnaamijka quudinta iyo caafimaadka aas aasiga ka wada gobolka Nugaal.
Kulanka waxaa kasoo qayb galay wasiirka Caafimaadka, agaasimaha guud ee wasaradda iyo masuuliyiin ka socda Hay’adda World Vision,waxana lagu soo bandhigayay Hay’adda siday fulisay barnaamijka ay ka wado gobalka Nugaal maadama sanadkan uu gaba-gabo ku dhow yahay.
Agaasimaha guud ee wasaradda Caafimaadka Puntland Dr.Cabdirisaaq Xirsi Xasan ayaa sheegay ujeedada laga leeyahay barnaamijkaan inuu yahay sidii wasaaraddu u ogaan lahayd in si hufan loo fuliyay adeega caafimaad ee loo qabtay bulshada ku dhaqan gobolka Nugaal maadaama uu sanadkaan gabagabo ku dhow yahay.
Agaasimuhu wuxuu sheegay barnamaijkaan in laga fulindoono dhammaan gobolada Puntland si loo ogaado in gobol kasta uu helay adeeg caafimaad oo ku tayo leh. Waxaa kale oo uu agaasimuhu sheegay in shirkaan lagu dajinayo qorshaha caafimaad ee 2016.
Wasiirka caafimaadka Puntland Dr. Cuuke oo furay shirkaan ayaa sheegay kulamadaan caynkaan oo kale ah inay yihiin kulamo lagula xisaabtamayo hay’addaha loo igmaday inay bulshada gaarsiiyaan adeega caafimaad ee dowladda.