Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Kismaayo oo laga hirgelinayo ciidamada madaniga

$
0
0

Kismaayo-(PP)-Hawlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya AMISOM ayaa magaalada Kismayo ka billaabay hindise lagu dhisayo ciidamo madani ah oo ka barbar shaqeeya booliska gobolka,iyadoo ay tallaabadaasi soo dhoweeyeen maamulka Jubbaland.

Wafdi ka socda booliska ee AMISOM uu hogaaminayo taliyaha qaybta warfaafinta Mr. Edwin Mugera,ayaa kulan la yeeshay maamulka degmada Kismaayo 26 November 2015, si ay uga wada hadlaan qaabka loo hirgelinayo hawshan.

Guddoomiyaha degmada Kismaayo Ibrahim Mohamed Yusuf,taliyaha ciidanka booliiska Jubbaland Colonel Mohamed Hassan Barre-Gaboobe,iyo saraakiil ka tirsan hoggaamiyayaasha bulshada oo shirka goobjoog ka ahaa ayaa bogaadiyay tallaabadan kuna tilmaamay mid bulshada horumar u ah.

Kismayo ka mid noqonaysa gobollada ugu horeeya ee yeesha ciidamada madaniga ah,iyadoo horay loogu guuleystay in laga hirgeliyo magaalada Muqdisho, taasoo ay hormuud ka yihiin Ciidanka Booliska Soomaaliyeed isayoo la kaashanaya booliska AMISOM.

Sooyaal;PP


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>