Maxaas-(PP)-Saraakiisha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa sheegtay inay laayeen sagaal xubnood oo ka tirsan dagaal yahannada Al-shabaab.
Laba Xiddigle, Maxamed Muumumin Saneey, oo ka tirsan saraakiisha ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan degmada Maxaas ayaa sheegay in shalay gelinkii dambe ay ciidanku howl-gallo ka sameeyeen tuulooyin iyo degaanno hoos taga degmada, halkaas oo uu iska horimaad ku dhex maray maleeshiyaad ka tirsanaa Al-Shabaab.
“Ilaa sagaal ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa ku dhimatay dagaalka, kaddib markii ay ciidanka is-hortaageen” ayuu yiri Maxamed Muumin oo la hadlayay warbaahinta qaranka Soomaaliya.
Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa midowga Afrika ee AMISOM ayaa Ururka Al-Shabaab kaga guuleystay dagaallo ay kula galeen goobo badan oo ka tirsan gobolka Hiiraan,waxanay madaxda dowladdu sheegeen iney ka saari doonaan meelaha ay ku hareen Mintidiinta Al-shabaab.
Sooyaal;PP