Gaalkacyo(pp) Wararka uu helayo Puntland Post ayaa sheegaya Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar cabdirashiid Cali Sharmarke uu Koonfurta Gaalkacyo kula kulmey madaxwaynaha Gal-Mudug Cabdikariin Xuseen Guuleed.
Sharmarke iyo Guuleed ayaa ka wada hadlaya sidii xal loogu raadin lahaa xiisada Gaalkacyo, taasoo noqotay arrinta ugu hadal heynta badan Soomaaliya.
Dhanka kale waxaa goor dhawayd magalada soo gaaray Madaxwaynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali gaas iyo madaxwaynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan (Madoobe) oo saakadii hore kasoo kictimay magalada Gaarowe.
Waxaa lagu wadaa shir guud inay wada yeeshaan madaxda Puntland,Galmudug,Jubbaland,Koonfur Galbeed iyo Ra’iisul Wasaare Sharmarke, shirkaa ayaa xoogiisa waxa uu salkak u hayaa sidii go’aamo wax ku ool ah looga soo saari lahaa xiisada oo markii hore ka bilaabatay waddo Puntland ka dhiseysey Xaafada Garsoor.
Xaalada magalada Gaalkacyo ayaa degan, dadaalada uu wado Wasiirka koowaad ee dalka ayaa lagu wadaa inay guulaystaan, maadama ay isi soo tarayso baaqyada ku aadan in la dhammeeyo colaada Gaalkacyo.
Madaxwaynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Farole oo saaka warbaahinta kula hadlay magalada Garowe ayaa dhankiisa ku baaqay in xal muuqda laga gaaro mushkilada Gaalkacyo wuxuna Xasan Shiikh Maxamuud, madaxwaynaha Somalia ugu yeeray inuu tago Gaalkacyo.
Cali Cabdi Ducale
Puntlandpost.com