Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Duqa degmada Kismaayo oo ka waramay waddo laga samaynayo magalada (Daawo)

$
0
0

Kismaayo(pp) Duqa degmada magalada Kismaayo Mudane Ibraahim Maxamed Yuusuf (Timajilic) ayaa shacabka ugu baaqay inay ilaaliyaan waddo muhiim ah oo isku xirta garoonka diyaaradaha iyo Jaamacadda Kismaayo.

Timajilic ayaa sheegay waddadan inay hal-bilowle u tahay isku socodka dadka iyo gaadiidka, wuxuan shacabka ugu baaqay inay qaybtooda ka qaataan horumarka dalka gaar ahaan dhismaha waddooyinka.

Gaadiidleyda ayuu sheegay inay muhiim tahay inaysan isticmaalin wadda inta dhismaha lagu wado.

Axmed Yuusuf Cabdi oo ah wakiilka shirkadda dhisaysa wadda ee Al-Asal ayaa sheegay inay howshu meel wanaagsan u marayso, qayntooda koowaadna ay kasoo bilaabeen meel wanaagsan haddana soo gaarsiiyeen bartamaha magalada.

Kismaayo oo ka mid ah magaalooyinkii dhibaatadu kasoo gaartay dagaaladii sokeeya ayaa hadda u muuqata inay kasoo kabsanayso, waxaana mamulka iyo madaxda guud ee Jubbaland ugu baaqeen qurbajoogta inay fursado maalgashi oo banaanka faa’iidaystaan.

Puntlandpost.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>