Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Puntland & Gal-Mudug oo ka hadlay dagaalkii maanta ka dhacay magalada Gaalkacyo

$
0
0

Gaalkacyo(pp) Wasiiradda warfaafinta Puntland iyo Gal-Mudug ayaa siyaabo kala duwan uga hadley dagaal maanta mar kala ka bilowdey magalada Gaaljkacyo.

Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Xasan Soocadde, oo wariyaasha kula hadlay dhisme hoobiye kusoo dhacay ayaa dagaalka ku eedeeyay Gal-Mudug wuxuna sheegay inay kusoo weerareen qoryaha culus kuwaasoo khasaaro gaarsiiyay hoteelo iyo goobo ganacsi oo ku yaala Xero Daraawiish.

Wasiir Soocadde ayaa sheegay in Galmudug aysan raali ka ahayn heshiiskii dhalay dhacay, waxaana uu ku goodiyey in ay shacabklooda difaacayaan, waxana la maqlayay rasaas dhacaysa intuu uu wasiirku hadlayay, isagoona hadalkiisa kusii daray inaysan u dulqaadan doonin waxa Galmudug kasoo baxaya.

Docda kale wasiirka warfaafinta Gal-Mudug Maxamuud Aadan Cusmaan, war-saxaafadeed uu soo saaray ayuu sheegay ku eedeeyay dagaalka maanta bilowday inay ka danbeyso Puntland isla markasna lagu doonayo in lagu carqaladeeyo Hiigsiga Soomaaliya ee 2016.

Wasiirka ayaa dhankiisa sheegaya in xaafadda Galmudug ay ku soo dhacayaan madaafiic aad u culus iyo qoryaha Taangiyada, Wasiirku ma sheegin khasaaraha ka dhashey dagaalka, inkasta oo aanu sheegin halka uu hadda ku sugan yahay.

Dagaalka dib uga bilowday Gaalkacyo ayaa imaanaya xilli shalay magalada heshiis afar qodob ka kooban ku gaareen Puntland iyo Gal-Mudug.

Ma jirto wax war ah oo ilaa iyo hadda kasoo baxay labada dhinac isla markasna cadaynayo dagaalka khasaaraha uu gaystay inta uu leeg yahay.

Puntlandpost.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles